HORUFADHI MEDIA |

SAWIRRO:-Guddiga Doorashada ee Musharaxiinta Madaxweynaha oo Guddoon doortay

Guddiga Badbaadada Doorashooyinka Qaranka ee dhawaan ay magacaabeen Golaha Midowga Musharrixiinta oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulankoodii ugu horreeyay, ayaa doortay guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen, xoghaye iyo Afhayeen.

Yuusuf Xasan Mursal ayaa loo doortay Gudoomiyaha gudiga badbaadada doorashada qaranka, Guddoomiye ku-xigeen waxaa loo doortay Cabdullaahi Maxamed Aadan, Xoghaye,  Cabdifitaax Maxamed dhicis  iyo Afhayeenka oo loo doortay Cabdullaahi Cadi Maxamed (Telephone ).

Afhayeenka iyo guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka Qaranka oo saxaafadda la hadlay kulanka kadib, ayaa caddeeyay howlaha hor-yaalla oo laga doonayo inay qabtaan, isagoo sheegay inay qaban doonaan doorasho xor ah oo waqtigeeda ku dhacday.

Xubnaha guddiga ee guddoonka loo doortay ayaa hoggaamiya shaqooyinka guddiga inta ay ku guda jiraan shaqooyika loo igmaday ee ay ugu horreyso ka shaqeynta hannaanka lagu badbaadinayo doorashooyinka qaranka, waxaana guddigaan uu gaar u yahay oo kaliya Musharaxiinta oo mucaarad ku ah dowladda.

Muran xoogan ayaa ka taagan Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay, isla markaana waxaa ay Musharaxiinta ku tilmaameen in Guddiyagaas ay ku jiraan xubno ka tirsan NISA iyo shaqaalaha dowladda.

Musharaxiinta ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu digay inuu qaadan doono natiijo kasta oo ka dhalata boob ay sheegeen inuu ku haayo doorashada dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/21.

Exit mobile version