WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Dowladda oo Muqdisho ku maamuustay maalgashadeyaal shisheeye

By xuseen waashitoon

December 13, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Cabdisaciid Muuse Cali ayaa  magaalada Muqdisho waxa uu kaga qayb galay munaasabad ay Dowladda Soomaaliya ku martiqaadday maalgashadeyaal shisheeye.

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayna ka soo qayb galeen madax ka socdey hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah Danjireyaasha iyo maalgashadeyaasha shisheeye ee ku sugan Muqdisho, ayaa waxaa looga hadlay sidii Soomaaliya loogu soo jiidi lahaa maalgashiyo caalammi ah, looga na faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo munaasabadda khudbad ka jeediyey, ayaa tilmaamay fursadaha maalgashi ee ka jira Dalka iyo muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay hesho maalgashi shisheeye, isaga oo hoosta ka xarriigay doorka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku aaddan soojiidashada maalgashadeyaasha shisheeye.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxa ay dadaal weyn ku bixinaysaa isku xirka hay’adaha gudaha iyo kuwa dibadda si loo soo bandhigo fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, loogu na soo jiido Soomaaliya maalgashi shisheeye oo dheeraad ah.” ayuu yiri Wasiir Cabdisaciid.