HORUFADHI MEDIA |

SAWIRRO:-Dowladda Federaalka oo Ciidamo badan ku daabushay Gedo

Diyaarad sida Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duhurnimadii Maanta ka degtay Garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Dowladda Federaalka oo maalintii labaad Ciidamo badan diyaarad qaas ah uga qaaday Magaalada Muqdisho ayaa ka dejisay Garoonka diyaaradaha Doolow, iyadoona halkaas ay kusoo dhaweeyeen Ciidamada, Saraakiil ka tirsan dowladda oo halkaas jooga.

Sawirro laga soo qaaday Ciidamada ayaa lagu arkayay iyaga oo watay hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana Garoonka looga soo qaaday gaadiid nooca dagaalka, lana geeyay Xarumo loogu tala-galay in la dejiyo.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka maalintii labaad laga dejiyay Gobolka Gedo ay yihiin kuwo gaar ah oo dowladda Turkiga tababartay, kuwaasi oo kamid noqonaya Ciidanka dowladda ee horey Gobolkaas loo geeyay.

Shalay ayey aheyd markii dowladda Federaalka ay degmada Doolow ee Gedo ka geeysay Ciidamo badan, Hub iyo gaadiid dagaal oo diyaarado gaar ah looga qaaday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Exit mobile version