WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Ciidanka SSC oo Saldhiyo waaweyn & Hub ka qabsaday Ciidanka Somaliland

By xuseen waashitoon

February 25, 2023

Dagaalo culus ayaa maanta dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, oo u dhexeeyay ciidamada deegaanka ee SSC iyo ciidanka Maamulka Somaliland, waxaana dagaalka uu ahaa mid xoog leh.

Dad la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dagaalka uu markii hore ka bilowday duulaan lagu soo qaaday saldhig ciidanka degaanka ay ku leeyihiin dhanka duleedka galbeed ee Laascaanood, ciidanka SSC ayaana iska difaacay duulaanka.

Ciidamada deegaanka Laascaanood ayaa guulo ka gaaray dagaalka maanta ka socda magaalada , waxa ayna la wareegeen goobo hor leh ay joogeen ciidamada taabacsan maamulka Somaliland, iyaga oo sidoo kale gacanta ku dhigay gaadiid iyo hub.

Ciidamada SSC ayaa dagaalka kula wareegay saldhiggii ugu weynaa ee ciidamada Somaliland kaga sugnaayeen Laascaanood, gaar ahaan saldhiggii iyo girigii uu joogay taliyaha ciidanka Somaliland ee gobalka Sool Jen, Mahad Cambaashe.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, in kastoo aan la ogeyn inta uu la egyahay, kummanaan kun oo qof ayaa ku barakacay Colada magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.