Waxaa Maanta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhanka Galmdug ka dhacay Banaanbax xoogan oo lagu taageerayay howlgalada Ciidamada Dowladda iyo kuwa daraawiishta Galmudug ka wadaan Mudug.
Dadweyne farabadan oo isugu jiray Wasiiro ka tirsan Galmdug, Maamulka Gaalkacyo, Culimo, Oadayaal, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ayaa ka qeyb galay banaanbaxa lagu taageerayay Ciidamada dagaalka kula Al-shabaab.
Qaar kamid ah dadkii dhigay banaanbaxa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay kasoo horjeedan dhibaatada Al-shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay garab taagan yihiin Ciidamada.
Sidoo kale Mas’uuliyiinta ka hadlay madasha banaanbaxa ayaa tilmaamay inay la dagaalami doonaan Shabaab, iyagoona shacabka Magaalada Gaalkacyo ugu baaqay inay la shaqeyaan laamaha amniga, lagana hortego falalka amni darro.