WARARKA SOOMAALI

SAWIRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Uganda & Xogta safarkiisa

By xuseen waashitoon

April 26, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa galabta gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, iyagoo halkaas soo dhaweyn loogu sameeyay.

Madaxweynaha ayaa Kampala uga qeyb-galayo shir-madaxeedka dalalka Ciidamadooda  ka qeyb-qaadanayaan xasilinta iyo nabadda dalka (ATMIS), iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigayso sida ay uga go’an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhammaadka sannadka soo socda.

Madaxda ayaa ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howlgallada dalka lagaga xoreynayo Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee Ciidanka Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka Alshabaab ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagaga cirib-tirayo Alshabaab dalka iyo guud ahaan gobolka.