WARARKA SOOMAALI

Sareedo Maxamed oo mar kale ku guuleysatay kursigii ay hakiyeen Guddiga FEIT

By xuseen waashitoon

April 21, 2022

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa  Maanta waxaa ka dhacday doorashada kursiga Golaha Shacabka ee tirsgiisu yahay Hop154 oo Guddiga doorashooyinka heer Federaal amreen in dib loogu laabto doorashada kursigaas.

Sareedo Maxamed Cabdalla  oo markii hore kusoo baxday kursigaas Golaha Shacabka ayaa mar kale u tartantay, isla markaana kusoo baxay oo ku guuleysatay kursiga Hop154, kadib markii Musharaxii la tartameysay ay u tanaasushay.

Ergada doorashada kusigaas ayaa gacan taag mar kale Sareedo Maxamed Cabdalla   ugu coddeeyay, sida ay ku dhawaaqeen Natiijada Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddiga FEIT ayaa bishii December 2021 waxba kama jiraan ku tilmaamay natiijada kursiga Xildhibaan ee ay ku soo baxday Sareedo, maadaama tartamaya kursigaas aanu buuxin shuruudaha doorashada.