WARARKA SOOMAALI

Saraakiil Ciidan oo Maanta lagu Qarxiyey Muqdisho & khasaaro ka dhashay

By xuseen waashitoon

July 14, 2023

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Is-miidaamin ah oo galabdhicii galabta ka dhacay guryaha saraakiisha ee ku yaalla agagaarka Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho

Qaraxa oo uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku dhex qarxiyey goob ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan, Askar iyo dad shacab ah, isla markaana waxaa qaraxa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dadkii halkaas joogay.

Ugu yaraan laba qof oo ku jiray Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi Axmed Yuusuf oo loo yaqaanay Afar sheegle ayaa ku geeridooday qaraxa, halka 5 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho, iyaga oo sheegtay inay beegsadeen xarunta saraakiisha ee ku taalla kasoo horjeeda dhismaha Wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali faah faahin ka bixin qaraxan khasaaraha dhaliyay ee galabta ka dhacay gudaha xerada Saraakiisha, waa qaraxii ugu horreeyay oo Is-miidaamin ah oo muddooyinkaan ka dhaca Muqdisho, waxaana ugu danbeeyay weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Hotelka Pearl Beach.