WARARKA SOOMAALI

Safiya Ciise:-Haweeneydii Al-shabaab u kala gudbin jirtay Hubka & Miinooyinka-Akhriso

By Abdi rashid

November 05, 2019

Muqdisho (HM) – Haweeney lagu eedeeyay inay ka tirsaneyd Al-shabaab ayaa maanta lagu xukumay 15 sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay inay Alshabaab u qaabilsaneyd kala gudbinta hubka iyo qaraxyada.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Saafi Ciise Arwaax ayaa saraakiisha denbi baarista u sheegtay sidii ay ugu biirtay Al-shabab iyo waxa ku kalifay, waxayna inay ku qalqaalisay haweeneyd deris la ahayd oo ninkeeda uu ku dhintay qarax uu farsameynayey.

Waxay sheegtay in sanadkii 2018 ay ku biirtay Al-shabaab, iyadoo qaabilsaneyd kala gudbinta hubka fudud oo ay maleeshiyada Al-shabaab ku howlgalaan, waxayna intaas ku dartay inay kooxda ku biirsiay haweeney ay deris ahaayeen oo ninkeedu ku geeriyooday Qarax uu farsameynayay.

Saafi Ciise waxay sheegtay inay soo martay duruufo kala duwan sida inay soo martay laba guur oo fashilmauy, kadibna ay Al-shabaab ku biirtay, iyadoo ka tegi jirtay xaafado fara badan oo ku yaalla cirifyada magaalada Muqdisho, iyadoo kala gudbineysa Bistooladaha, Bamka gacanta laga tuuro, Qoryaha fudud sida AK-47 iyo suumanka qaraxyada, iyadoo caddeysay in xiriiriyaha shabakadda laga hagi jiray banaanka magaalada gaar ahaan, degaanka Mubaarak.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sidas ayaa xukunno kala duwan ku ridday sagaal ruux oo lagu soo eedeeyay in ay ka mid ahaayeen kooxda argagixisada ee Al-shabaab.

Maxkamadda ayaa xabsi da’in ah ku xukuntay Axmed Cabduqaadir Axmed ,halka shan ruux oo kala ah 1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale, 2- Saafi Ciise Arwaax, 3-Yaasiin Maxamed Abtidoon, 4- CabdiShakuur Cali Maxamuud iyo Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye,iyagana lagu xukumay min 15-sano oo xarig ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xabsi gaaraya min 8-sano ku xukuntay 1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow  iyo -Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar

Maxkamadda Ciidamada Xoogga ayaa amartay in la sii daayo CabdiKhadar Mire Axmed hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto,sida uu warbaahinta dowladda u xaqiijiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.