WARARKA SOOMAALI

Safiirkii hore ee Soomaaliya ee Mareykanka Cabdikariin oo geeriyooday

By Xuseen Post

January 20, 2021

Allaah ha u naxariistee waxaa Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Safiirkii horey ee Soomaaliay u fadhiyey dalka Mareykanka Cabdikariin Cali Cumar.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in Marxuum Cabdikariin uu ku xanuunsanayay Isbitaal ku yaalla Magaalada Columbus, isagoo la xaqiijiyay in xanuunkii haayay uu xalay u geeriyooday.

Cabdikariin Cali Cumar ayaa waxaa uu ahaa Safiirkii ugu dambeeyay ee dawladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre u fadhiyay dalka Mareykanka, wuxuuna kamid ahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas kunool.

Marxuum Cabdikariin ayaa ahaa hadda ahaa Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee 2021, isla markaana waxaa uu kamid ahaa dadka diblumaasiyadda Soomaaliya aqoonta iyo xirfadda dheer u lahaa.

Maamulka sare ee Shabakadda Horufadhi Media  ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Cauruurtii, Eheladii, Asxaabtii iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdikariin Cali Cumar, isagoo Alle uga baryay inuu janada ka waraabiyo.

Allaha u naxariisto Marxuum Cabdikariin.