Site icon HORUFADHI MEDIA |

Safiirka Somalia ee Kenya oo dib ugu laabtay Nairobi iyo xiriirka labada Dal oo…

Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa Maanta oo khamiis ah taariikhduna ay ku beegan tahay 24-ka Jun 2021 dib ugu laabtay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Socdaalka Safiir Tarsan uu dib ugu laabtay Nairobi ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Howlwadeenada Safaaradda dowladda Federaalka Soomaaliya halkaas oo bilihii lasoo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dib loo celiyay, waxaana dowladda ay dhawaan ku dhawaaqday inay dib u soo celineyso xiriirkii Kenya, isla markaana labadal sidaas xiriirkooda dib ugu soo celiyay.

Safiirada labada dal ayaa dib ugu kala laabtay Magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, waxaana si deg deg ah u bilaaban doona shaqooyinka Safaaradaha oo muddo lix bilood aan shaqeyn, kadib markii uu go’ay xiriirka.

Horaantii bishii April ee sanadkaan ayaa Dowladda Qatar waxaa ay dib u soo celisay xiriira Soomaaliya iyo Kenya, hayeeshee mar kale ayuu xumaaday, ka gadaal markii Kenya joojisay duulimaayadii uga imaanayay Muqdisho, wallow dib ay u fasaxday.

Exit mobile version