HORUFADHI MEDIA |

Sacuudiga oo shaaca ka qaaday talaabada laga qaadayo dadka fasax la’aan xajka taga-Akhriso

Muqdisho (HM)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo saartay shuruuc cusub oo ku aadan xajka sanadkan, waxaana Boqortooyada mamnuucay in sanadkaan xajiyaan dadka aan ogolaanshaha rasmiga ah heysan.

Xajka ayaa sanadkan ka duwanaan doona sanadihii hore, waxaana kaliya loo ogolaaday in ay xajiyaan dadka ku sugan gudaha Sacuudiga kuwaa oo iyaga naftooda maraya shuruucyo iyo isdiiwaan galin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa shaaciyay in lasoo saaray sharciyo lagu xadidayo in dadka iska tagaan goobaha barakeysan, waxa uuna cadeeyay Wasiirka in la ganaaxi doono cidii jabisa sharciyada lasoo saaray.

Sida Wasiirka arimaha gudaha sheegay qofka lagu arko goobaha barakeysan ee Makka iyo Madiina isagoon ogolaasho haysan waxaa lagu ganaaxi doonaa aduun lacageeed oo dhan 2,666 oo doolar.

Wasaarada arimaha gudaha Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegtay qofkii mar la qabta hadii uu mar labaad sharciga jabiyo in la ganaaxi doono laban laab ganaaxii hore .

Xajka ayaa sanad kasta waxaa gudan jiray dad lagu qiyaasay labo Milyan oo qof, sanadkan ayaana la joojiyay in laga soo xajiyo meel ka baxsan Sacuudiga sababo la xariira cabsi laga qabo faafitaanka Caronavirus, waxaana xajinaya kaliya dadka Sacuudiga jooga.

Horufadhi News

Exit mobile version