WARARKA SOOMAALI

Sacuudiga oo ku dhawaaqay in Berri ay tahay Maalinta Koowaad ee Ciidul Fitriga

By xuseen waashitoon

April 20, 2023

Sacuudiga oo looga dhawaaqay Ciidda, lagana arkay bilashada Bisha Shawaal

Dowladda Sacuudiga ayaa maqribnimadii Caawa ku dhawaaqday inay berrito oo Jimco ah tahay Maalinta Koowaad ee Ciiddul-fitriga.

Bilashada bisha ayaa waxaa laga arkay gudaha dalka Sacuudiga sida ay ku dhawaaqday Maxkamadda Sare ee dalkaasi, oo Qoraal kooban soo saartay.

Dhanka kale, dhowr waddan ayaa iyagana ku dhawaaqay inay berrito oo Jimco ah la soomi doono, isla markaana ay Ciidda ku beegan tahay Maalinta Sabtida ee soo socota.