WARARKA SOOMAALI

Sacuudiga oo bilaabay wejiga labaad ee Gargaarka Deg-dega ah ee Somalia

By xuseen waashitoon

August 30, 2022

Xarunta Gargaarka Bani’aadantinimada Boqor Salmaan ee dalka Sacuudiga ayaa daah furtay wejigii labaad ee gurmadka degdega ah ee loo fidinayo Soomaaliya si loo yareeyo saameynta abaarta.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in lacag ku dhow $13 million oo dollar ku garab istaagayso dadka dhibaataysan iyo kuwa u baahan bini’aadantinimo iyo sii wadida dawrka ay ku leedahay ka hortagga macluusha Soomaaliya.

“Waxaan daah-furnay eajigii labaad ee gargaarka deg-degga ah si ay uga qayb qaataan daboolidda baahiyaha bini’aadantinimo ee dadka ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Boqor Salmaan.

Wajigii koowaad ee taageerada Sacuudiga oo lagu qiimeeyay lacag dhan 7.18 milyan, ayaa gacan ka geystay wax ka qabashada macluusha iyo saameynteeda.