WARARKA SOOMAALI

Sababta Cabdi Xaashi ugu biiray Shirka Musharaxiinta Mucaaridka ah-Akhriso

By Abdi rashid

November 23, 2020

Muqdisho ( HM ) Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi, guddoomiyihii hore maxkamadda sare, Ibraahim Iidle Suleymaan iyo wasiirkii hore warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku biiray shirka musharraxiinta oo galay maalintii 3-aad.

Shirka oo lagu waday in maanta la soo gaba-gabeeyo ayaa dib loo dhigay, waxaana la soo xiri doonaa maalinta beri ah oo laga so saari doono war-murtiyeed.

Cabdi Xaashi, Ibraahim Iidle iyo Maareeye ayaa shirka siin doono warbixin ku aadan khilaafka ka taagan doorashada, gaar ahaan guddiyada doorashooyinka dalka.

Wararka ayaa sheegaya in si gaar ah ay Mas’uuliyiintan uga hadli doonaan muranka ka taagan guddiyada doorashada ee gobollada waqooyi ku metalaya doorashada.

Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo Shirkooda galay maalintii saddexaad ayaa maanta la filayaa in la soo gabagabeeyo shirkooda, iyadoo lagu wado in laga soo saaro war murtiyeed.

Musharaxiinta ayaa shalay shirar gaar gaar ah la qaatay Ururada Bulshada Rayidka, Odayaasha dhaqanka iyo Culumaa’udiinka, waxaana ay la wadaageen aragtidooda xaalada dalka iyo muranka ka taagan doorashooyinka.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan mareyso meel xasaasi ah, waxaana meel aad u fog kala joogo hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda dowladda dhexe.

Horufadhi News