Opinion

Saamaynta maaliyaddeed ee heshiiska shidaalka badda ee Soomaaliya–Turkiga 2024 Qiimaynta Saamiga dowladda iyo god-daloolooyinka xeerarka.

By Abdi rashid

May 14, 2026

Saamaynta maaliyaddeed ee heshiiska shidaalka badda ee

Soomaaliya–Turkiga 2024

Qiimaynta Saamiga dowladda iyo god-daloolooyinka xeerarka

Qoray 2026—Ahmed Idan Adan

1

1. Hordhac Arimaha shidaalka waa kuwo mar walba leh xiiso iyo danayn weyn; hase yeeshee, marka laga hadlayo Soomaaliya, mar kasta oo wax ka soo kordhaan arimaha shidaalka waxay kiciyaan xiiso qaran oo aad u weyn iyo rajayn. Horumar kasta oo cusub oo laga sameeyo shidaalka Soomaaliya waxaa lagu soo dhoweeyaa yididiilo ka tarjumaysa tuhunka ballaadhan ee kheyraadka shidaalka ee dalka. Soomaaliya waxaa si weyn loogu tilmaamaa mid ka mid ah dalalka ugu hodansan kheyraadka dabiiciga sida shidaalka, kaas oo leh muhiimad gaar ah marka laga eego isbeddelka baaxad leh oo dhaqaale. Tilmaamaha cilmiga dhulku waxay si xooggan u muujinayaan in Soomaaliya ay leedahay tuhun weyn oo shidaal, iyada oo leh fursad dhab ah oo ay ku noqon karto dal soo saara shidaalka. Shidaalka ayaa muddo dheer lala xiriirinayay isbeddel dhaqaale oo baaxad leh oo ay sameeyaan dalalka leh kheyraadkaaas. Sidaa darteed, in khayraadka shidaalka si masuuliyaddi ku dheehan tahay looga ka faa’iidaysto waxay dhalin kartaa dakhli weyn oo dedejin kara horumar dhaqaale iyo kobcinta aagaga kale ee dhaqaalaha. Mudooyinkii u dambeeyay, dalal badan oo Bariga Afrika ah, sida Uganda, Kenya, Tanzania, Madagascar, iyo Itoobiya ayaa sameeyay daahfuro waaweyn oo shidaal. Dad badan ayaa aaminsan in kaydad ka sii waaweyn laga daahfuri karo Soomaaliya. Dhibaatada arimaha shidaalka ee hadda ka jirta dunida, gaar ahaan khilaafaadka Bariga Dhexe, waxay keeni karaan dib u qiimayn caalami ah oo ku saabsan ilaha shidaalka iyo marinnada safrinta. Tani waxay kordhin kartaa danaynta Bariga Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo dhacda goob muhiimad juqraafiyeed leh oo dhinaca ku haysa Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Horumarrada dhawaan laga sameeyay sahminta batroolka badda Soomaaliya ayaa dib u soo nooleeyay rajadii shacabka. Markabka qodista shidaalka ee Turkiga ee Cagri Bey oo yimid xeebaha Soomaaliya waa tallaabo muhiim ah. Qodista ayaa lagu sameynayaa meel qotada biyuhu ka badan tahay 3,000 mitir, iyada oo kaydka yoolka u ah qodistuna yahay uu qoto 3,500 mitir hoos ka sii ah saxadda badda. Tani waxay muujinaysaa caqabadaha weyn ee mashruucu wajahayo, waana qodistii ugu horreysay ee badweynta Soomaaliya. Ceelkan oo loogu magic daray Curad-1 ayaa astaan u ah yididiiladii iyo rajadii mudada dheer la sugayey ee ahayd in laga midhodhaliyo khayraadka shidaalka ee dalka. Dhinaca kale, waxaa jira walaacyo ku saabsan qodobbada heshiiska 2024 iyo PSA-ga lala galay shirkadda Turkiga (TPAO). Qaar ka mid ah qodobbada waxay u muuqdaan kuwo u janjeedha dhinaca shirkadda. Gaar ahaan, waxaa jira dhinacyo ku doodaya in Soomaaliya ay dakhliga ka

heli doonto 5% oo keliya, balse doodani waxay ka turjumaysaa faham la’aan ku saabsan qaab- dhismeedka nidaamyada maaliyadeed ee heshiisyada shidaalka, gaar ahaana kala saarid la’aan

dakhliga guud ee shidaalka (gross revenue), heerka ajuuro maamuuska (royalty rate) iyo Faa’iido wadaaga (profit oil shares). Maqaalkani wuxuu kala qeexayaa qaybaha kala duwan ee maaliyadeed ee heshiisyada shidaalka, wuxuuna falanqeynayaa qaab-dhismeedka maaliyaddeed ee heshiiska, isaga oo isbarbar dhigaya habraaca PSA-ga Soomaaliya (Somali PSA Model) ee hadda jira (kaas oo heshiisyada kale ee

2 dhowaan la galay lagu saleeyey) iyo heshiiska 2024, Qoraalku wuxuu sidoo kale qiimeynayaa saamaynta dakhliga dowladda. 2. Ujeeddooyinka guud ee shidaalka ee dalalka shidaalka leh Inkasta oo maalgashiga shidaalka yahay mid waqti dheer ah, dakhliga shidaalku waa mid mudo xaddidan ah, isla markaana u nugul isbedelo la xidhiidha qiimaha iyo wax soosaarka, sidaa darteedna aan la isku halayn karin mustaqbalka fog. Sababahaas dartood, arimaha shidaalku waxay u baahan yihiin qorshe cad, shuruuc dhammaystiran, iyo hay’ado u qaabaysan si wax ku ool ah. Ahmiyadda ugu weyn ee arimaha shidaalka, ee ay tahay inay maskaxda ku hayaan cid kasta oo waddan uga masuul ah arimahan, waa in dalka khayraadkiisa ay ugu bedelanto dhaqaalaha ugu badan ee suurtagalka ah iyada oo isla markaana la ilaalinayo deegaan (bii’ada). Ujeeddooyinka muhiimka ah waxaa ka mid ah:  Soo jiidashada shirkado tayo leh  Kordhinta dakhliga dowladda  Horumarinta hufnaanta iyo isla xisaabtanka  Wacyigelinta bulshada iyo maaraynta filashooyinka bulshada  Kobcinta awoodda aqooneed iyo xirfadeed shaqaalaha waddaniga ah  Taageeridda ka qaybgalka bulshada waddanka ee arimaha shidaalka  Ka qaybgelinta shirkada shidaalka ee waddanka  Mudnaan siinta ilaalinta deegaanka 3. Qaybaha maaliyadeed ee heshiisyada shidaalka Qaybaha maaliyadeed ee heshiisyada shidaalka guud ahaan waxaa loo qaybiyaa: 1. Lacago hal mar ah – sida xaqal-qalin (signature bonus) iyo guno daahfur (discovery bonus) ama guno wax soosaar (production bonus). Waxaa la bixiyaa xilliyo gaar ah, waxayna dakhli hordhac ah u noqdaan dalka. 2. Lacago sanadle ah – oo ay ka mid yihiin khidmada kirada dhulka (surface rental fees), Kharashaad maarayn (administrative fees). Waa waajibaadyo lacageed oo soo noqnoqda oo ku xidhan goobta heshiiska/hawlaha heshiiska. 3. Lacago hawlgalo ku xidhan – sida cashuuraha kala duwan, marka laga reebo kuwa wax soosaarka ku xidhan. 4. Lacago ku xiran wax soo saar – sida ajuuro maamuus (royalty), faa’iido wadaagga (profit sharing), iyo canshuuraha macaashka ee shirkadaha (corporate income tax). Qaybtan ayaa ah dakhliga ugu weyn ee ay wadaagaan shirkada iyo waddanku marka la eego guud ahaan mudda heshiiska.

3 4. Isbarbardhig habraaca PSA-ga Soomaaliya ee hadda jira iyo Heshiiska 2024 Isbarbardhig habraaca PSA-ga Soomaaliya ee hadda jira (kaas oo heshiisyada kale ee dhowaan la galay lagu saleeyey) iyo heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ee 2024 ayaa muujinaya kala duwaansho cad (eeg shaxda 1): S/N Fiscal instrument Somali PSA Model TPAO contract 1 Signature Bonus USD 1,000,000 0 2 Development/Production Bonus USD 2,000,000 0 3 Surface Rent Ex USD 100/km2 , D & P USD 500/km2 * 0 4 Training Fund USD 250,000 –

500,000

Not specified

5 Local/regional Community Development fund

Ex USD 500,000, D & P USD 1,000,000 *

Not specified

6 Withholding tax 5% 5%? 7 Capital gain tax 20% 20%? 8 Royalty 5% 5% 9 Corporate income tax 30% 30% 10 Government participation Up to 20% Not specified 11 Production (profit) sharing – starting from

80% – 20% (R-factor) 50% – 50% sliding scale (on production) 12 Cost recoverable limit 70% (oil) 80% (gas) 90% Shaxanka 1. Qaybaha hanaanka maaliyaddeed ee heshiisyada shidaalka

Shaxda 1. Isgarabdhig Isbarbardhig habraaca PSA-ga Soomaaliya ee hadda jira iyo heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ee 2024 * Ex = xiliga sahaminta D & P = xiliga diyaarinta iyo wax soosaarka

4

 Heshiishka kuma jiraan  Xaqal-qalin iyo gunnooyin wax soo saar (signature & production bonuses)  Khidmadda kirada dhulka  Si cad uma qeexna  Kharashka tababarka (Training fund)  Kharashka horumarinta bulshada (Local community development fund) Lacag-bixinahan kor lagu soo sheegay ayaa ah kuwo caadiyan ku jira heshiisyada shidaalka. Waajibinta lacag-bixinahan ayaa caadiyan lagu qoraa sharciga shidaalka si aanay marnaba xiliga gorgortanka shirkadda iyo waddanka qayb uga noqon. Hase yeeshee waxaa muuqata in sharciga Batroolka ee Soomaaliya 2020 uu gebi ahaanba ka maqan yahay cutub ka hadlaya waajibinta lacag-bixinaha, ayna tahay in si degdeg ah kaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo si loogu soo daro cutubkaa iyo qaybo kale oo muhiim ah. Inkasta oo ay lacag-bixinahani yihiin kuwo aad u yar marka loo eego dakhliga guud ee

shidaal ee mudada heshiiska, hadana waa dakhli xilli hore ah oo muhiim u ah in xaalad- wanaag laga dhex abuuro maamulka iyo bulshada deegaanka iyo shirkadda, food-saarena

u noqda hawlgalada heshiiska shidaalka. Tusaale ahaan haddii xaddiga khidmadda kirada dhulka (USD 100 per km2) ee loo adeegsadey heshiisyaddii kale ee dhowaan la galay lagu dabakho baaxadda bedka badda ee heshiiskan oo ah 15,000 km2, waxaa sannadkii ka soo xeroon lahayd xaddi lacageed oo dhan USD 1,500,000. Xaqal-qalinka heshiisyadii dhowaan la galay wuxuu ahaa USD 1,000,000 heshiiskiiba, iyada oo aan loo eegayn inta xidhmo ee heshiiskaasi ka kooban yahay. Heerakani waa heerka ugu hoosaysa ee heerarka xiliyadan ee caalamka. Dhinaca kale, haddii aynu milicsano xaddiyada ugu sareeyaa waxay gaadhaan boqolaal milyan oo doolar, ama waxayba kor u dhaafaan bilyan doolar (Heshiiskii ay wadajirka u galeen Sonangol iyo Sinopec sanadkii 2006 wuxuu ahaa derajada u saraysa ee xaqal-qalin oo ahayd USD 1.1 bilyan oo ay ka bixiyeen xidhmooyinka badda ee 17 iyo 18 ee dalka Angola. Dabcan, Soomaaliya oo ah dal aan weli shidaalkiisa la daahfurin laguma dhererin karo dalalka shidaalka baaxadda leh soo saaraa, laakiin waxay ahayd in wuxuun xaqal-qalin oo macquul ah lagu daro heshiiska. Haddii taas laga baaqsaday, lacala waxaa maangal ahayd in lagu daro gunooyinka kale ee in guulaysto ku xidhan, sida gunada daahfurka ama gunada wax soosaarka, maadaama uu sahankii muujiyey tilmaamo ah inay jirto fursad weyn oo lagu daahfuri karo shidaal baaxad leh (balaayiin barmiil).  Heerka ajuuro maamuusku (Royalty) waa 5% Heerka ajuuro maamuusku aad ayuu u hooseeyaa. Heerarka caalamku waxay badanaa u dhexeeyaan 8% ilaa 20%. Hase yeeshee, maadaama ay Soomaaliya tahay dal aan weli

5 shidaalkiisa la daahfurin, heshiiskana ay ku gadaaman yihiin caqabaddo farsamo iyo khataro dhaqaale oo la xidhiidhaan qodista goobaha badda ee qotada dheer, waxaa laga yaabaa in la aqbali karo ilaa inta laga samaynayo daahfurka ugu horeeya. Si kastaba ha ahaatee, waxaa cadaalad noqon kartey in la isla qaato qorshe heer ajuuro maamuus oo korodha (progressive royalty scheme) oo waddanka u korodha marka shirkada kharashkii u soo noqdo ama wax soosaarku kor u kaca ama qiimaha shidaalka kor u kaco.  Dib u celinta kharashka shirkada ka baxay (Cost recovery) waa 90% Arinta ugu daran ee qaybaha maaliyaddeed ee heshiiska waa heerka dib u celinta kharashka shirkada ka baxay oo ah mid aad uga sareeya heerarka caadiga ah ee caalamka, kuwaas oo heerkooda caadiga ahi u dhexeeyo 35% ilaa 65%, sida lagu muujiyey shaxanka 2. Heerkan aadka u sareeya ee 90% wuxuu si weyn u wiiqayaa saamiga dakhliga dalka, isaga oo hoos u dhigaya faa’iida xiliga hore ahayd, isla markaana daahinaya helitaankii dhakhli macno leh oo waddanku helo.

Dhibaatada ah helid la’aanta faa’iido xilli hore ahi waa mid ku xun waddamada soo koraya, gaar ahaan waddamada sida Soomaaliya oo kale oo baahi weyn u qaba dakhli xilli hore ah si loogu horumariyo dhaqaalaha dalka guud ahaan iyo dabcan in si gaar ah loogu sii hormariyo dhinaca arimaha shidaalka la xidhidha ee ay ka mid yihiin kaabayaasha, kobcinta aqoon iyo xirfaddeed ee hayadaha dawladda iyo daneeyayaasha kale, kor u qaadidda amniga iyo hagaajinta maaraynta iyo maamul-wanaagga khayraadka shidaalka. Marka laga tago heerka dib u celinta kharashka shirkada ka baxay ee aadka u sareeya, waxaa iyana welwel kale oo jirta ah in waddamo badan oo soo koraya oo shidaal soo saara caqabadi ka haysato in hayaddaha arimaha shidaalka khuseeyaa aanay lahayn awood ay kula socdaan ama kormeer hanti-dhawr (monitoring and auditing) ugu sameeyaa kharashka ku baxaya hawlgalada mashaariicda shidaalka ee ay soo gudbiyaan shirkadaha caalamida ah ee shidaalka (International Oil Companies – IOCs). Hawlgalada shidaalka waa kuwa dhinacyo badan, farsamo Shaxanka 2. Heerarka dib u celinta kharashka baxay ee heshiisyada wax soosaar wadaagga shidaalka

6 badan la xidhiidho, isla markaana lacag aad u badani ku baxdo. Shirkadaha shidaalka waxaa laga yaabaa inay marmarka qaarkood buunbuuniyaan kharashka baxay si ay u yareeyaan faa’iidada laga cashuurayo. Waxaa loo baahan yahay in la ogaado in kharashaadka shirkadu gelaysaa yihiin kuwo macquul ah, baahi loo qabo iyo in qaabka soo iibsigu yahay mid tartan ah iyo in aanay si gaar ah ula macaamilin shirkaddo ay isku xidhan yihiin (affiliates). Kharashka baxay oo la buunbuuniyaa waxay dheeraysaa mudada uu ku baxsoomi lahaa kharashaadkii shirkadda ka baxay, sidaa darteedna waxay daahinaysaa saamigii dawladda ee faa’iidada dakhliga shidaalka. 5. God-daloolooyinka Xeerka Batroolka Soomaaliya 2020 Arimaha maaliyaddeed ee heshiisyada shidaalka sida ugu fiican waa in waajibintooda sharciga shidaalka ee dalku qeexo. Hase yeeshee, Xeerka Batroolka Soomaaliya 2020 kuma jiro cutub gaar ah oo faahfaahin ka bixinaya qaybaha kala duwan ee maaliyaddeed (fiscal instruments) ee ka waajibaya heshiisyada (eeg tusaalaha waddamada kale ee Africa ee lagu muujiyey shaxanka 3). Kuwaas oo ay ku jiraan xaqal-qalinka iyo gunooyinka kale, kirada dhulka xidhmada, waajib ahaanshaha ajuuro maamuuska, iyo qaababka loo bixinayo iyo sidoo kale cawaaqibka ka dhalanaya lacagaha aan xiligooda lagu bixin. Qaabka ugu wanaagsan ee arimaha shidaalku waa in xeerku qeexo qaybaha xuddunta ah ee maaliyaddeed. Tani waxay yaraynaysaa in waajib noqoshadooda laga gorgortamo xilliga gorgortanka qodobada heshiiska, maadaama aanay caadiyan sax ahayn in qodobada heshiisku buriyaan qodobada xeerka. Ka maqnaanshaha cutubkan ee xeerka soomaaliya ayaa ogolaatay in qaybo maaliyaddeed u dagnaadaan gorgortan isla markaana laga reebay heshiishka Soomaaliya iyo Turkiga ee 2024.

Shaxanka 3. Cutubka maaliyaddaha/lacag-bixinaha ee shaciyada shidaalka waddamo ka mid ah Afrika

7

6. Falanqayn tusaale ah oo dakhliga wax soosaarka ku salaysan Dakhliga wax soosaarka ku salaysan, oo ah dakhli la bilawda iibgeynta shidaalka, waa dakhliga ka turjumaya saami qaybsiga dakhliga shidaalka ee dalka iyo shirkadda qandaraaska haysata Shaxda 2 waxay tilmaan ka bixinaysaa sida dakhliga shidaalka u qaabaysan yahay iyo sida ay u qaybsanayaan shirkadda TPAO iyo dawladda Soomaaliya iyada oo la raacayo heshiishka wadaagga ee Soomaaliya iyo Turkiga ee 2024 ee xidhmooyinka badda ee 142, 152, iyo 153. Si tusaalaha oo fududeeyo waxaa laga soo qaaday dakhli hal barmiil oo qiimaheedu yahay USD 100, si loo muujiyo saamiyada labada dhinac kala helayaan.

 Ajuuro maamuus (royalty) 5% ayaa dakhliga laga jarayaa ugu horey, taas oo u go’aysa dawladda. Lacag-bixintani waxay waddanka u damaanad qaadaa dakhli degdeg ah, iyada oo aan ku xidhnayn faa’iidada mashruuca laga helo.  Baaqiga oo ah USD 95 waxaa markaa ka dib ka go’aysa heerka dib u celinta kharashka shirkada ka baxay oo ah (90%)  Xaddiga soo hadhay oo ah USD 9.5, ayaa noqonaya faa’iidadii la qaybsanayey (profit oil)  Faa’iidada waxaa loo qaybsanayaa si ku salaysan 50/50  Saamiga shirkadu ka heshay faa’iidada ayaa laga qaadayaa 30%, cashuur macaash-macaash (corporate income tax), tan oo noqonaysa dakhli kale oo dawladdu helesho oo ku kordhaya ajuuro maamuuskii iyo saamigii dawladda ee faa’iidada Sida ay shaxdu sare muujinayso, qaybsiga dakhliga guud (gross revenue) waa 88.825% ay shirkaddu qaadanayso iyo 11.175% ay dawladdu helayso. Hase yeeshee marka la eego qaybsiga faa’iidada (profit share), dawladdu waxay helaysaa 77%, halka shirkadduna (TPAO) ka helayso 23%. Shaxda 2. Dakhliga wax soosaarka ku salaysan ee heshiiska wax soosaar wadaagga TPAO – Dawladda Soomaaliya (xidhmooyinka 142, 152 & 153)

8 In kasta oo dawladdu boqoleey sare ka helayso faa’iidada, haddana xaddiga ay ka helyaso dakhligu guud waa mid yar. Dakhligii ahaa USD 100 waxay dowladdu ka helaysaa USD 11.175 oo keliya. Tan macnaheedu waa in heerka dib u celinta kharashka shirkada ka baxay ee ah (90%) uu xaalufiyey faa’iidadii la qaybsan lahaa oo ku soo ururtay USD 9.5. Intaa waxaa dheer in ajuuro maamuuska hooseeya ee ah 5% ay iyaduna koobtay saamigii guud ee waddanku qaadan lahaa. Ajuuro maamuus 10% iyo heerka dib u celinta kharashka shirkada ka baxay oo ah 70% ayaa ahaan lahayd mid u cadaalad samaysa labada dhinac. 7. Gunaanad Soomaaliya waxay leedahay tuhun weyn oo shidaal, waxaana sahannadii dhowaan ka dhacay badda ay dib u soo nooleeyeen rajadii bulshada ee ahayd in shidaalku si weyn uga qayb qaadan karto isbeddelka dhaqaale ee dalka. Heshiiska shidaalka ee badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee 2024 wuxuu astaan u yahay tallaabo taariikhi ah oo ku aaddan geedi-socodka horumarinta kheyraadka Soomaaliya. Bilowga qodista badda ee qotada dheer, waxay muujinaysaa kalsooni lagu qabo tuhunka shidaal ee Soomaaliya ee uu muujinayo cilmiga-dhuleedka (geology) ee Soomaaliya, waxayna dhiirrigelin kartaa maalgashi ballaaran oo gobolka ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira walaacyo la xiriira qodobbada heshiiska, kuwaas oo in badan oo ka mid ahi u muuqda inay u janjeeraan dhinaca shirkadda. Qaabeynta qodobada maaliyaddeed, gaar ahaan heerka dib u celinta kharashka shirkada ka baxay ee sareeya (90%) iyo yaraanta heerka ajuuro maamuuska oo ah 5%, waxay dib u dhigayaan helitaanka dakhliga dowladda, waxayna yareynayaan saamiga dhabta ah ee dakhliga guud ee soo gala dowladda, kaas oo sida kor ku xusan lagu qiyaasay 11.175%. Inkasta oo ajuuro maamuuska hooseeya loo arki karo mid la leqi karo, marka la eego caqabadaha iyo khataraha sare ee la xidhiidha dal aan weli shidaalkiisa la daahfurin, haddana guud ahaan qaabeynta nidaamka maaliyadeed waxay muujinaysaa daciifnimo qaab-dhismeed oo ku jirta nidaamka sharciga batroolka Soomaaliya, iyo istiraatiijiyad gorgortan oo liidata iyo daahfurnan la’aan. Heshiiska sidoo kale ma xusin qalabyo maaliyadeed oo badan oo caadi ahaan laga helo heshiisyada batroolka, sida xaqal-qalinka (signature bonus), gunnooyinka wax soo saarka (production bonus), khidmadaha kirada dhulka (surface rental fees), iyo sidoo kale sanduuqyada tababarka iyo horumarinta bulshada oo aan si cad loo qeexin. Tani waxay yareynaysaa faa’iidooyinka dhaqaale ee xilliyada hore ee mashruuca shidaalka ee ay heli lahayd dowladda ama/iyo maamul goboleedyada. Sharciga Batroolka Soomaaliya ee 2020 si dhammaystiran uma qeexo qaybaha maaliyadeed oo

muhiim ah sida gunnooyinka, ajuuro maamuuska, waajibaadka lacag bixinta, ama ganaaxyada dib- u-dhaca lacag bixinta, maadaama uu ka maqan yahay cutubkii arimahaa ka hadli lahaa. Tani waxay

suuragelinaysaa in qodobada maaliyadeed waajibintooda lagaga heshiiyo heerka qandaraaska, taasoo daciifin karta awoodda dowladda ee gorgortanka. Dalal badan oo soo koraya, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxay la kulmayaan caqabado ku saabsan hubinta iyo kormeerka kharashaadka batroolka ee ay soo gudbiyaan shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka. Awoodda aqooneed oo liidata waxay kordhisaa halista in la soo gudbiyo warbixino kharash oo la buunbuuniyey ama aan daah-furnayn. Caqabadan marka lagu daro heerka dib u celinta

9 kharashka shirkada ka baxay ee sareeya waxay aad u wiiqaysaa in dalka dakhli macno leh ka helo khayraadkiisa mud dheer. 8. Talo soo jeedin  Sharciga Batroolka Soomaaliya 2020 waa in kaabis lagu sameeyo oo lagu daro qodobo maaliyadeed oo dhammaystiran. Qaybaha maaliyadeed ee muhiimka ah sida ajuuro maamuuska, gunnooyinka (bonuses), khidmadda kirada dhulka (surface rents), qodobbada cashuuraha, iyo waajibaadka lacag-bixinta waa in si cad loogu qeexaa sharciga batroolka, halkii ay noqon lahayd in wajibiddooda lagu go’aamiyo gorgortanka xilliga wadahadalka qandaraasyada.  Qandaraasyada waa in, sida ugu badan ee suurtagal ah lagu bixiyo hab tartan furan oo hufan, halkii laga adeegsan lahaa hab toos ah oo laba-geesood ah.  Heshiiska shidaalka ee heerka dowladdeed ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee 2024 wuxuu u baahan yahay wax-ka-beddel si loo xaqiijiyo sinnaanta, ama ugu yaraan waa in lagu xaddidaa oo keliya xidhmooyinka hadda la qandaraasay, lagana reebaa heshiisyada mustaqbalka ee shirkadda TPAO.  In bixinta xidhmooyin cusub la hakiyo inta ay ka soo baxayso natiijada qodaalka ceelka Curad 1. Tan ujeedkeedu waa in daahfur shidaal oo baaxad leh ay si mug leh kor ugu qaadayso maqaamka gorgortan ee xidhmooyinka dalka ee dihin,  Qandaraasyada mustaqbalka, heerka dib u celinta kharashka shirkada ka baxay (cost recovery) waa in loo dhimaa heer u dhow halbeega caalamiga ah (tusaale ahaan 60–70%) si loo suurtageliyo in faa’iidada (profit oil) hore loogu helo, loona kordhiyo dakhliga dowladda.  Waxaa habboon in la ajuuro maamuuska si xadidan loo kordhiyo (tusaale ahaan 8–10 boqolkiiba), ama ugu yaraan in la isla qaato qorshe heer ajuuro maamuus oo korodha (progressive royalty scheme) oo waddanka u korodha marka shirkada kharashkii u soo noqdo ama wax soosaarku kor u kaca ama qiimaha shidaalka kor u kaco. Taas abuuri doonta nidaam maaliyadeed oo dheellitiran oo ilaalinaya danaha dowladda isla markaana soo jiidanaya maalgashi.  Awoodda hay’adaha waa in la xoojiyo si loo kormeero, loona hubiyo kharashaadka batroolka, iyada oo la maalgelinayo horumarinta khibradaha farsamo iyo nidaamyada lagu xaqiijinayo saxnaanta kharashaadka, isla markaana looga hortagayo buunbuuninta kharashaadka ee shirkadaha.  Hufnaanta iyo wacyigelinta dadweynaha waa in la kordhiyaa. Soo bandhigid cad oo ku saabsan qodobada maaliyadeed iyo qaab-dhismeedka dakhliga waxay kor u qaadaysaa fahamka bulshada waxayna maareynaysaa filashooyinka ku saabsan faa’iidooyinka horumarinta shidaalka.  Soomaaliya waa inay si tartiib ah ugu gudubtaa nidaam qodobo maaliyadeed ee heshiisyada shidaalka oo joogto ah, isla markaana uu waajibinayo sharcigu laakiin xaddigooda lagaga gorgortami karo wada xaajoodyada heshiisyada.

Ahmed Idan Adan MSC Petroleum Geology iidaan@hotmail.com