Saamaynta maaliyaddeed ee heshiiska shidaalka badda ee
Soomaaliya–Turkiga 2024
Qiimaynta Saamiga dowladda iyo god-daloolooyinka xeerarka
Qoray 2026—Ahmed Idan Adan
1
1. Hordhac
Arimaha shidaalka waa kuwo mar walba leh xiiso iyo danayn weyn; hase yeeshee, marka laga
hadlayo Soomaaliya, mar kasta oo wax ka soo kordhaan arimaha shidaalka waxay kiciyaan xiiso
qaran oo aad u weyn iyo rajayn. Horumar kasta oo cusub oo laga sameeyo shidaalka Soomaaliya
waxaa lagu soo dhoweeyaa yididiilo ka tarjumaysa tuhunka ballaadhan ee kheyraadka shidaalka
ee dalka. Soomaaliya waxaa si weyn loogu tilmaamaa mid ka mid ah dalalka ugu hodansan
kheyraadka dabiiciga sida shidaalka, kaas oo leh muhiimad gaar ah marka laga eego isbeddelka
baaxad leh oo dhaqaale. Tilmaamaha cilmiga dhulku waxay si xooggan u muujinayaan in
Soomaaliya ay leedahay tuhun weyn oo shidaal, iyada oo leh fursad dhab ah oo ay ku noqon
karto dal soo saara shidaalka.
Shidaalka ayaa muddo dheer lala xiriirinayay isbeddel dhaqaale oo baaxad leh oo ay sameeyaan
dalalka leh kheyraadkaaas. Sidaa darteed, in khayraadka shidaalka si masuuliyaddi ku dheehan
tahay looga ka faa’iidaysto waxay dhalin kartaa dakhli weyn oo dedejin kara horumar dhaqaale
iyo kobcinta aagaga kale ee dhaqaalaha.
Mudooyinkii u dambeeyay, dalal badan oo Bariga Afrika ah, sida Uganda, Kenya, Tanzania,
Madagascar, iyo Itoobiya ayaa sameeyay daahfuro waaweyn oo shidaal. Dad badan ayaa
aaminsan in kaydad ka sii waaweyn laga daahfuri karo Soomaaliya. Dhibaatada arimaha
shidaalka ee hadda ka jirta dunida, gaar ahaan khilaafaadka Bariga Dhexe, waxay keeni karaan
dib u qiimayn caalami ah oo ku saabsan ilaha shidaalka iyo marinnada safrinta. Tani waxay
kordhin kartaa danaynta Bariga Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo dhacda goob muhiimad
juqraafiyeed leh oo dhinaca ku haysa Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.
Horumarrada dhawaan laga sameeyay sahminta batroolka badda Soomaaliya ayaa dib u soo
nooleeyay rajadii shacabka. Markabka qodista shidaalka ee Turkiga ee Cagri Bey oo yimid
xeebaha Soomaaliya waa tallaabo muhiim ah. Qodista ayaa lagu sameynayaa meel qotada
biyuhu ka badan tahay 3,000 mitir, iyada oo kaydka yoolka u ah qodistuna yahay uu qoto 3,500
mitir hoos ka sii ah saxadda badda. Tani waxay muujinaysaa caqabadaha weyn ee mashruucu
wajahayo, waana qodistii ugu horreysay ee badweynta Soomaaliya. Ceelkan oo loogu magic
daray Curad-1 ayaa astaan u ah yididiiladii iyo rajadii mudada dheer la sugayey ee ahayd in laga
midhodhaliyo khayraadka shidaalka ee dalka.
Dhinaca kale, waxaa jira walaacyo ku saabsan qodobbada heshiiska 2024 iyo PSA-ga lala galay
shirkadda Turkiga (TPAO). Qaar ka mid ah qodobbada waxay u muuqdaan kuwo u janjeedha
dhinaca shirkadda. Gaar ahaan, waxaa jira dhinacyo ku doodaya in Soomaaliya ay dakhliga ka
heli doonto 5% oo keliya, balse doodani waxay ka turjumaysaa faham la’aan ku saabsan qaab-
dhismeedka nidaamyada maaliyadeed ee heshiisyada shidaalka, gaar ahaana kala saarid la’aan
dakhliga guud ee shidaalka (gross revenue), heerka ajuuro maamuuska (royalty rate) iyo Faa’iido
wadaaga (profit oil shares).
Maqaalkani wuxuu kala qeexayaa qaybaha kala duwan ee maaliyadeed ee heshiisyada shidaalka,
wuxuuna falanqeynayaa qaab-dhismeedka maaliyaddeed ee heshiiska, isaga oo isbarbar dhigaya
habraaca PSA-ga Soomaaliya (Somali PSA Model) ee hadda jira (kaas oo heshiisyada kale ee
2
dhowaan la galay lagu saleeyey) iyo heshiiska 2024, Qoraalku wuxuu sidoo kale qiimeynayaa
saamaynta dakhliga dowladda.
2. Ujeeddooyinka guud ee shidaalka ee dalalka shidaalka leh
Inkasta oo maalgashiga shidaalka yahay mid waqti dheer ah, dakhliga shidaalku waa mid mudo
xaddidan ah, isla markaana u nugul isbedelo la xidhiidha qiimaha iyo wax soosaarka, sidaa
darteedna aan la isku halayn karin mustaqbalka fog. Sababahaas dartood, arimaha shidaalku
waxay u baahan yihiin qorshe cad, shuruuc dhammaystiran, iyo hay’ado u qaabaysan si wax ku
ool ah. Ahmiyadda ugu weyn ee arimaha shidaalka, ee ay tahay inay maskaxda ku hayaan cid
kasta oo waddan uga masuul ah arimahan, waa in dalka khayraadkiisa ay ugu bedelanto
dhaqaalaha ugu badan ee suurtagalka ah iyada oo isla markaana la ilaalinayo deegaan (bii’ada).
Ujeeddooyinka muhiimka ah waxaa ka mid ah:
Soo jiidashada shirkado tayo leh
Kordhinta dakhliga dowladda
Horumarinta hufnaanta iyo isla xisaabtanka
Wacyigelinta bulshada iyo maaraynta filashooyinka bulshada
Kobcinta awoodda aqooneed iyo xirfadeed shaqaalaha waddaniga ah
Taageeridda ka qaybgalka bulshada waddanka ee arimaha shidaalka
Ka qaybgelinta shirkada shidaalka ee waddanka
Mudnaan siinta ilaalinta deegaanka
3. Qaybaha maaliyadeed ee heshiisyada shidaalka
Qaybaha maaliyadeed ee heshiisyada shidaalka guud ahaan waxaa loo qaybiyaa:
1. Lacago hal mar ah – sida xaqal-qalin (signature bonus) iyo guno daahfur (discovery bonus)
ama guno wax soosaar (production bonus). Waxaa la bixiyaa xilliyo gaar ah, waxayna
dakhli hordhac ah u noqdaan dalka.
2. Lacago sanadle ah – oo ay ka mid yihiin khidmada kirada dhulka (surface rental fees),
Kharashaad maarayn (administrative fees). Waa waajibaadyo lacageed oo soo noqnoqda
oo ku xidhan goobta heshiiska/hawlaha heshiiska.
3. Lacago hawlgalo ku xidhan – sida cashuuraha kala duwan, marka laga reebo kuwa wax
soosaarka ku xidhan.
4. Lacago ku xiran wax soo saar – sida ajuuro maamuus (royalty), faa’iido wadaagga (profit
sharing), iyo canshuuraha macaashka ee shirkadaha (corporate income tax). Qaybtan ayaa
ah dakhliga ugu weyn ee ay wadaagaan shirkada iyo waddanku marka la eego guud
ahaan mudda heshiiska.
3
4. Isbarbardhig habraaca PSA-ga Soomaaliya ee hadda jira iyo Heshiiska 2024
Isbarbardhig habraaca PSA-ga Soomaaliya ee hadda jira (kaas oo heshiisyada kale ee dhowaan la
galay lagu saleeyey) iyo heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ee 2024 ayaa muujinaya kala
duwaansho cad (eeg shaxda 1):
S/N Fiscal instrument Somali PSA Model TPAO contract
1 Signature Bonus USD 1,000,000 0
2 Development/Production Bonus USD 2,000,000 0
3 Surface Rent Ex USD 100/km2
,
D & P USD 500/km2 *
0
4 Training Fund USD 250,000 –
500,000
Not specified
5 Local/regional Community
Development fund
Ex USD 500,000,
D & P USD 1,000,000
*
Not specified
6 Withholding tax 5% 5%?
7 Capital gain tax 20% 20%?
8 Royalty 5% 5%
9 Corporate income tax 30% 30%
10 Government participation Up to 20% Not specified
11 Production (profit) sharing –
starting from
80% – 20% (R-factor) 50% – 50% sliding
scale (on
production)
12 Cost recoverable limit 70% (oil) 80% (gas) 90%
Shaxanka 1. Qaybaha hanaanka maaliyaddeed ee heshiisyada shidaalka
Shaxda 1. Isgarabdhig Isbarbardhig habraaca PSA-ga Soomaaliya ee hadda jira iyo heshiiska
Soomaaliya iyo Turkiga ee 2024 * Ex = xiliga sahaminta D & P = xiliga diyaarinta iyo wax soosaarka
4
Heshiishka kuma jiraan
Xaqal-qalin iyo gunnooyin wax soo saar (signature & production bonuses)
Khidmadda kirada dhulka
Si cad uma qeexna
Kharashka tababarka (Training fund)
Kharashka horumarinta bulshada (Local community development fund)
Lacag-bixinahan kor lagu soo sheegay ayaa ah kuwo caadiyan ku jira heshiisyada
shidaalka. Waajibinta lacag-bixinahan ayaa caadiyan lagu qoraa sharciga shidaalka si
aanay marnaba xiliga gorgortanka shirkadda iyo waddanka qayb uga noqon. Hase
yeeshee waxaa muuqata in sharciga Batroolka ee Soomaaliya 2020 uu gebi ahaanba ka
maqan yahay cutub ka hadlaya waajibinta lacag-bixinaha, ayna tahay in si degdeg ah
kaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo si loogu soo daro cutubkaa iyo qaybo kale oo
muhiim ah.
Inkasta oo ay lacag-bixinahani yihiin kuwo aad u yar marka loo eego dakhliga guud ee
shidaal ee mudada heshiiska, hadana waa dakhli xilli hore ah oo muhiim u ah in xaalad-
wanaag laga dhex abuuro maamulka iyo bulshada deegaanka iyo shirkadda, food-saarena
u noqda hawlgalada heshiiska shidaalka.
Tusaale ahaan haddii xaddiga khidmadda kirada dhulka (USD 100 per km2) ee loo
adeegsadey heshiisyaddii kale ee dhowaan la galay lagu dabakho baaxadda bedka badda
ee heshiiskan oo ah 15,000 km2, waxaa sannadkii ka soo xeroon lahayd xaddi lacageed oo
dhan USD 1,500,000.
Xaqal-qalinka heshiisyadii dhowaan la galay wuxuu ahaa USD 1,000,000 heshiiskiiba,
iyada oo aan loo eegayn inta xidhmo ee heshiiskaasi ka kooban yahay. Heerakani waa
heerka ugu hoosaysa ee heerarka xiliyadan ee caalamka. Dhinaca kale, haddii aynu
milicsano xaddiyada ugu sareeyaa waxay gaadhaan boqolaal milyan oo doolar, ama
waxayba kor u dhaafaan bilyan doolar (Heshiiskii ay wadajirka u galeen Sonangol iyo
Sinopec sanadkii 2006 wuxuu ahaa derajada u saraysa ee xaqal-qalin oo ahayd USD 1.1
bilyan oo ay ka bixiyeen xidhmooyinka badda ee 17 iyo 18 ee dalka Angola. Dabcan,
Soomaaliya oo ah dal aan weli shidaalkiisa la daahfurin laguma dhererin karo dalalka
shidaalka baaxadda leh soo saaraa, laakiin waxay ahayd in wuxuun xaqal-qalin oo
macquul ah lagu daro heshiiska. Haddii taas laga baaqsaday, lacala waxaa maangal ahayd
in lagu daro gunooyinka kale ee in guulaysto ku xidhan, sida gunada daahfurka ama
gunada wax soosaarka, maadaama uu sahankii muujiyey tilmaamo ah inay jirto fursad
weyn oo lagu daahfuri karo shidaal baaxad leh (balaayiin barmiil).
Heerka ajuuro maamuusku (Royalty) waa 5%
Heerka ajuuro maamuusku aad ayuu u hooseeyaa. Heerarka caalamku waxay badanaa u
dhexeeyaan 8% ilaa 20%. Hase yeeshee, maadaama ay Soomaaliya tahay dal aan weli
5
shidaalkiisa la daahfurin, heshiiskana ay ku gadaaman yihiin caqabaddo farsamo iyo khataro
dhaqaale oo la xidhiidhaan qodista goobaha badda ee qotada dheer, waxaa laga yaabaa in la
aqbali karo ilaa inta laga samaynayo daahfurka ugu horeeya. Si kastaba ha ahaatee, waxaa
cadaalad noqon kartey in la isla qaato qorshe heer ajuuro maamuus oo korodha (progressive
royalty scheme) oo waddanka u korodha marka shirkada kharashkii u soo noqdo ama wax
soosaarku kor u kaca ama qiimaha shidaalka kor u kaco.
Dib u celinta kharashka shirkada ka baxay (Cost recovery) waa 90%
Arinta ugu daran ee qaybaha maaliyaddeed ee heshiiska waa heerka dib u celinta kharashka
shirkada ka baxay oo ah mid aad uga sareeya heerarka caadiga ah ee caalamka, kuwaas oo
heerkooda caadiga ahi u dhexeeyo 35% ilaa 65%, sida lagu muujiyey shaxanka 2. Heerkan
aadka u sareeya ee 90% wuxuu si weyn u wiiqayaa saamiga dakhliga dalka, isaga oo hoos u
dhigaya faa’iida xiliga hore ahayd, isla markaana daahinaya helitaankii dhakhli macno leh oo
waddanku helo.
Dhibaatada ah helid la’aanta faa’iido xilli hore ahi waa mid ku xun waddamada soo koraya, gaar
ahaan waddamada sida Soomaaliya oo kale oo baahi weyn u qaba dakhli xilli hore ah si loogu
horumariyo dhaqaalaha dalka guud ahaan iyo dabcan in si gaar ah loogu sii hormariyo dhinaca
arimaha shidaalka la xidhidha ee ay ka mid yihiin kaabayaasha, kobcinta aqoon iyo xirfaddeed
ee hayadaha dawladda iyo daneeyayaasha kale, kor u qaadidda amniga iyo hagaajinta
maaraynta iyo maamul-wanaagga khayraadka shidaalka.
Marka laga tago heerka dib u celinta kharashka shirkada ka baxay ee aadka u sareeya, waxaa
iyana welwel kale oo jirta ah in waddamo badan oo soo koraya oo shidaal soo saara caqabadi
ka haysato in hayaddaha arimaha shidaalka khuseeyaa aanay lahayn awood ay kula socdaan
ama kormeer hanti-dhawr (monitoring and auditing) ugu sameeyaa kharashka ku baxaya
hawlgalada mashaariicda shidaalka ee ay soo gudbiyaan shirkadaha caalamida ah ee shidaalka
(International Oil Companies – IOCs). Hawlgalada shidaalka waa kuwa dhinacyo badan, farsamo
Shaxanka 2. Heerarka dib u celinta kharashka baxay ee heshiisyada wax soosaar wadaagga shidaalka
6
badan la xidhiidho, isla markaana lacag aad u badani ku baxdo. Shirkadaha shidaalka waxaa
laga yaabaa inay marmarka qaarkood buunbuuniyaan kharashka baxay si ay u yareeyaan
faa’iidada laga cashuurayo. Waxaa loo baahan yahay in la ogaado in kharashaadka shirkadu
gelaysaa yihiin kuwo macquul ah, baahi loo qabo iyo in qaabka soo iibsigu yahay mid tartan ah
iyo in aanay si gaar ah ula macaamilin shirkaddo ay isku xidhan yihiin (affiliates).
Kharashka baxay oo la buunbuuniyaa waxay dheeraysaa mudada uu ku baxsoomi lahaa
kharashaadkii shirkadda ka baxay, sidaa darteedna waxay daahinaysaa saamigii dawladda ee
faa’iidada dakhliga shidaalka.
5. God-daloolooyinka Xeerka Batroolka Soomaaliya 2020
Arimaha maaliyaddeed ee heshiisyada shidaalka sida ugu fiican waa in waajibintooda sharciga
shidaalka ee dalku qeexo. Hase yeeshee, Xeerka Batroolka Soomaaliya 2020 kuma jiro cutub gaar ah
oo faahfaahin ka bixinaya qaybaha kala duwan ee maaliyaddeed (fiscal instruments) ee ka waajibaya
heshiisyada (eeg tusaalaha waddamada kale ee Africa ee lagu muujiyey shaxanka 3). Kuwaas oo ay
ku jiraan xaqal-qalinka iyo gunooyinka kale, kirada dhulka xidhmada, waajib ahaanshaha ajuuro
maamuuska, iyo qaababka loo bixinayo iyo sidoo kale cawaaqibka ka dhalanaya lacagaha aan
xiligooda lagu bixin. Qaabka ugu wanaagsan ee arimaha shidaalku waa in xeerku qeexo qaybaha
xuddunta ah ee maaliyaddeed. Tani waxay yaraynaysaa in waajib noqoshadooda laga gorgortamo
xilliga gorgortanka qodobada heshiiska, maadaama aanay caadiyan sax ahayn in qodobada heshiisku
buriyaan qodobada xeerka. Ka maqnaanshaha cutubkan ee xeerka soomaaliya ayaa ogolaatay in
qaybo maaliyaddeed u dagnaadaan gorgortan isla markaana laga reebay heshiishka Soomaaliya iyo
Turkiga ee 2024.
Shaxanka 3. Cutubka maaliyaddaha/lacag-bixinaha ee shaciyada shidaalka waddamo ka mid ah Afrika
7
6. Falanqayn tusaale ah oo dakhliga wax soosaarka ku salaysan
Dakhliga wax soosaarka ku salaysan, oo ah dakhli la bilawda iibgeynta shidaalka, waa dakhliga ka
turjumaya saami qaybsiga dakhliga shidaalka ee dalka iyo shirkadda qandaraaska haysata
Shaxda 2 waxay tilmaan ka bixinaysaa sida dakhliga shidaalka u qaabaysan yahay iyo sida ay u
qaybsanayaan shirkadda TPAO iyo dawladda Soomaaliya iyada oo la raacayo heshiishka wadaagga
ee Soomaaliya iyo Turkiga ee 2024 ee xidhmooyinka badda ee 142, 152, iyo 153. Si tusaalaha oo
fududeeyo waxaa laga soo qaaday dakhli hal barmiil oo qiimaheedu yahay USD 100, si loo muujiyo
saamiyada labada dhinac kala helayaan.
Ajuuro maamuus (royalty) 5% ayaa dakhliga laga jarayaa ugu horey, taas oo u go’aysa
dawladda. Lacag-bixintani waxay waddanka u damaanad qaadaa dakhli degdeg ah, iyada oo
aan ku xidhnayn faa’iidada mashruuca laga helo.
Baaqiga oo ah USD 95 waxaa markaa ka dib ka go’aysa heerka dib u celinta kharashka
shirkada ka baxay oo ah (90%)
Xaddiga soo hadhay oo ah USD 9.5, ayaa noqonaya faa’iidadii la qaybsanayey (profit oil)
Faa’iidada waxaa loo qaybsanayaa si ku salaysan 50/50
Saamiga shirkadu ka heshay faa’iidada ayaa laga qaadayaa 30%, cashuur macaash-macaash
(corporate income tax), tan oo noqonaysa dakhli kale oo dawladdu helesho oo ku kordhaya
ajuuro maamuuskii iyo saamigii dawladda ee faa’iidada
Sida ay shaxdu sare muujinayso, qaybsiga dakhliga guud (gross revenue) waa 88.825% ay shirkaddu
qaadanayso iyo 11.175% ay dawladdu helayso. Hase yeeshee marka la eego qaybsiga faa’iidada
(profit share), dawladdu waxay helaysaa 77%, halka shirkadduna (TPAO) ka helayso 23%.
Shaxda 2. Dakhliga wax soosaarka ku salaysan ee heshiiska wax soosaar wadaagga TPAO – Dawladda
Soomaaliya (xidhmooyinka 142, 152 & 153)
8
In kasta oo dawladdu boqoleey sare ka helayso faa’iidada, haddana xaddiga ay ka helyaso dakhligu
guud waa mid yar. Dakhligii ahaa USD 100 waxay dowladdu ka helaysaa USD 11.175 oo keliya. Tan
macnaheedu waa in heerka dib u celinta kharashka shirkada ka baxay ee ah (90%) uu xaalufiyey
faa’iidadii la qaybsan lahaa oo ku soo ururtay USD 9.5. Intaa waxaa dheer in ajuuro maamuuska
hooseeya ee ah 5% ay iyaduna koobtay saamigii guud ee waddanku qaadan lahaa.
Ajuuro maamuus 10% iyo heerka dib u celinta kharashka shirkada ka baxay oo ah 70% ayaa ahaan
lahayd mid u cadaalad samaysa labada dhinac.
7. Gunaanad
Soomaaliya waxay leedahay tuhun weyn oo shidaal, waxaana sahannadii dhowaan ka dhacay badda
ay dib u soo nooleeyeen rajadii bulshada ee ahayd in shidaalku si weyn uga qayb qaadan karto
isbeddelka dhaqaale ee dalka.
Heshiiska shidaalka ee badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee 2024 wuxuu astaan u yahay
tallaabo taariikhi ah oo ku aaddan geedi-socodka horumarinta kheyraadka Soomaaliya. Bilowga
qodista badda ee qotada dheer, waxay muujinaysaa kalsooni lagu qabo tuhunka shidaal ee
Soomaaliya ee uu muujinayo cilmiga-dhuleedka (geology) ee Soomaaliya, waxayna dhiirrigelin kartaa
maalgashi ballaaran oo gobolka ah.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira walaacyo la xiriira qodobbada heshiiska, kuwaas oo in badan oo ka
mid ahi u muuqda inay u janjeeraan dhinaca shirkadda. Qaabeynta qodobada maaliyaddeed, gaar
ahaan heerka dib u celinta kharashka shirkada ka baxay ee sareeya (90%) iyo yaraanta heerka ajuuro
maamuuska oo ah 5%, waxay dib u dhigayaan helitaanka dakhliga dowladda, waxayna yareynayaan
saamiga dhabta ah ee dakhliga guud ee soo gala dowladda, kaas oo sida kor ku xusan lagu qiyaasay
11.175%. Inkasta oo ajuuro maamuuska hooseeya loo arki karo mid la leqi karo, marka la eego
caqabadaha iyo khataraha sare ee la xidhiidha dal aan weli shidaalkiisa la daahfurin, haddana guud
ahaan qaabeynta nidaamka maaliyadeed waxay muujinaysaa daciifnimo qaab-dhismeed oo ku jirta
nidaamka sharciga batroolka Soomaaliya, iyo istiraatiijiyad gorgortan oo liidata iyo daahfurnan la’aan.
Heshiiska sidoo kale ma xusin qalabyo maaliyadeed oo badan oo caadi ahaan laga helo heshiisyada
batroolka, sida xaqal-qalinka (signature bonus), gunnooyinka wax soo saarka (production bonus),
khidmadaha kirada dhulka (surface rental fees), iyo sidoo kale sanduuqyada tababarka iyo
horumarinta bulshada oo aan si cad loo qeexin. Tani waxay yareynaysaa faa’iidooyinka dhaqaale ee
xilliyada hore ee mashruuca shidaalka ee ay heli lahayd dowladda ama/iyo maamul goboleedyada.
Sharciga Batroolka Soomaaliya ee 2020 si dhammaystiran uma qeexo qaybaha maaliyadeed oo
muhiim ah sida gunnooyinka, ajuuro maamuuska, waajibaadka lacag bixinta, ama ganaaxyada dib-
u-dhaca lacag bixinta, maadaama uu ka maqan yahay cutubkii arimahaa ka hadli lahaa. Tani waxay
suuragelinaysaa in qodobada maaliyadeed waajibintooda lagaga heshiiyo heerka qandaraaska,
taasoo daciifin karta awoodda dowladda ee gorgortanka.
Dalal badan oo soo koraya, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxay la kulmayaan caqabado ku saabsan
hubinta iyo kormeerka kharashaadka batroolka ee ay soo gudbiyaan shirkadaha caalamiga ah ee
shidaalka. Awoodda aqooneed oo liidata waxay kordhisaa halista in la soo gudbiyo warbixino
kharash oo la buunbuuniyey ama aan daah-furnayn. Caqabadan marka lagu daro heerka dib u celinta
9
kharashka shirkada ka baxay ee sareeya waxay aad u wiiqaysaa in dalka dakhli macno leh ka helo
khayraadkiisa mud dheer.
8. Talo soo jeedin
Sharciga Batroolka Soomaaliya 2020 waa in kaabis lagu sameeyo oo lagu daro qodobo
maaliyadeed oo dhammaystiran. Qaybaha maaliyadeed ee muhiimka ah sida ajuuro
maamuuska, gunnooyinka (bonuses), khidmadda kirada dhulka (surface rents), qodobbada
cashuuraha, iyo waajibaadka lacag-bixinta waa in si cad loogu qeexaa sharciga batroolka,
halkii ay noqon lahayd in wajibiddooda lagu go’aamiyo gorgortanka xilliga wadahadalka
qandaraasyada.
Qandaraasyada waa in, sida ugu badan ee suurtagal ah lagu bixiyo hab tartan furan oo hufan,
halkii laga adeegsan lahaa hab toos ah oo laba-geesood ah.
Heshiiska shidaalka ee heerka dowladdeed ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee 2024
wuxuu u baahan yahay wax-ka-beddel si loo xaqiijiyo sinnaanta, ama ugu yaraan waa in lagu
xaddidaa oo keliya xidhmooyinka hadda la qandaraasay, lagana reebaa heshiisyada
mustaqbalka ee shirkadda TPAO.
In bixinta xidhmooyin cusub la hakiyo inta ay ka soo baxayso natiijada qodaalka ceelka Curad
1. Tan ujeedkeedu waa in daahfur shidaal oo baaxad leh ay si mug leh kor ugu qaadayso
maqaamka gorgortan ee xidhmooyinka dalka ee dihin,
Qandaraasyada mustaqbalka, heerka dib u celinta kharashka shirkada ka baxay (cost recovery)
waa in loo dhimaa heer u dhow halbeega caalamiga ah (tusaale ahaan 60–70%) si loo
suurtageliyo in faa’iidada (profit oil) hore loogu helo, loona kordhiyo dakhliga dowladda.
Waxaa habboon in la ajuuro maamuuska si xadidan loo kordhiyo (tusaale ahaan 8–10
boqolkiiba), ama ugu yaraan in la isla qaato qorshe heer ajuuro maamuus oo korodha
(progressive royalty scheme) oo waddanka u korodha marka shirkada kharashkii u soo noqdo
ama wax soosaarku kor u kaca ama qiimaha shidaalka kor u kaco. Taas abuuri doonta nidaam
maaliyadeed oo dheellitiran oo ilaalinaya danaha dowladda isla markaana soo jiidanaya
maalgashi.
Awoodda hay’adaha waa in la xoojiyo si loo kormeero, loona hubiyo kharashaadka batroolka,
iyada oo la maalgelinayo horumarinta khibradaha farsamo iyo nidaamyada lagu xaqiijinayo
saxnaanta kharashaadka, isla markaana looga hortagayo buunbuuninta kharashaadka ee
shirkadaha.
Hufnaanta iyo wacyigelinta dadweynaha waa in la kordhiyaa. Soo bandhigid cad oo ku
saabsan qodobada maaliyadeed iyo qaab-dhismeedka dakhliga waxay kor u qaadaysaa
fahamka bulshada waxayna maareynaysaa filashooyinka ku saabsan faa’iidooyinka
horumarinta shidaalka.
Soomaaliya waa inay si tartiib ah ugu gudubtaa nidaam qodobo maaliyadeed ee heshiisyada
shidaalka oo joogto ah, isla markaana uu waajibinayo sharcigu laakiin xaddigooda lagaga
gorgortami karo wada xaajoodyada heshiisyada.
Ahmed Idan Adan
MSC Petroleum Geology
iidaan@hotmail.com

