WARARKA SOOMAALI

RW Xamse oo shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Ciidul Fitriga

By xuseen waashitoon

April 20, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Munaasabadda Ciid Fidriga 1444 ee sanadka Hijriga u diray guud Ummadda Muslimiinta, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa Allaha awoodda badan leh u waydiiyay Muslimiinta in uu ka aqbalo soomkii, salaadihii, qur’aankii, sadaqadii, ducadii iyo dhammaan kheyrkii ay sameeyeen bishii barakeysan ee Ramadan, ciidan teeda xigtana inagu gaarsiiyo nabad, bashbash iyo barwaaqo.

“Waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa ciidamadeena kala duwan ee geesiyaasha ah ee — bacdallaahi — suurtagaliyay in magaalooyin badan oo dalka ka mid ah, 15 sano ka dib, si nabad ah oo xorriyad leh loogu afuro” ayuu yiri RW Xamse Barre.

Wuxuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya “Waxaan mar kale, hambalyo, ammaan iyo ducaba u dirayaa hay’adaheena amniga, booliiska, Nabad-sugidda, Asluubta iyo Milatariga ee hadh iyo habeenba u taagnaa sidii magaalada Muqdisho oo nabad ah loogu soomi lahaa”.

Ugu dambayn, waxaan u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed ee sida wanaagsan ula shaqeeyay hay’adaha amniga ee ayaga u shaqaynaya, kuna garab istaagay sidii ay amniga u sugi lahaayeen.