WARARKA SOOMAALI

RW Xamse Barre oo shaaciyay sanadka la dhammeystirayo Dastuurka KMG ah ee dalka

By xuseen waashitoon

January 11, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar, ayaa sheegay inuu rajeynayo in ay dib ugu soo laabtaan waddankooda oo nabad ah, si ay uga qayb qaataan dib u dhiska dalka.

Xamse ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, waxaana uu xubnaha Jaaliyadda warbixin guud ka siiyay xaaladda dalka iyo barnaamijka ay waddo Xukuumadda oo ay ugu horreyso dib-u-dhiska iyo dib u xoreynta dalka.

Dhinaca Kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa markii u horraysay shaaciyay in sannadkan la dhammaystirayo dastuurka KMG ah ee dalka.

“Ama lug ha la isku dhego, ama qadaad ha la isku dhego sannadkan waa in uu dhammaystirmaa dastuurka. Dalkan haddii aan dastuurkiisa la dhammaystirin, dowladda Soomaaliyeed si ay ku shaqaysaa waa adag tahay” ayuu yiri Xamse.

Hadalkan Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa ku soo beegmay, maalmo kadib markii ay Puntland ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay hagar-daamo ku waddo dhammaystirka dastuurka dalka.