WARARKA SOOMAALI

RW Xamse Barre oo gaaray Sacuudiga iyo ujeedka safarkiisa

By xuseen waashitoon

June 21, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaas oo uu kusoo gudan doono waajibaadka Xajka.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo xalay ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Sacuudiga ku sameeyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaas, iyaga loo galbinayay halka loogu tala-galay.

Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa ku wehliya gudashada Xajka Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Mudanayaal ka tirsan Goleyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed Ilaahay uga baryay in dhibaatooyinka ragaadiyey dowladnimadooda uu ka dulqaado, isagoo ugu  baaqay shacabka Soomaaliyeed in la is cafiyo oo laga wada shaqeeyo horumarka dalka.

Si kastaba Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa sanadkaan kamid noqonaya malaayiinta qof ee muslimiinta ah ee ku sugan magaalada Makka ee dalka Sacuudiga, kuwaasi oo gudanaya waajibaadka Xajka.