WARARKA SOOMAALI

RW Xamse Barre oo Amar dul-dhigay Guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada

By xuseen waashitoon

June 18, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Maanta oo axad ah guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee tiirka Soomaali Heshiis ah,

Xamse Barre ayaa warbixino ka dhagaystay mas’uuliyiinta wasaaradaha qaar, iyagoo soo bandhigay waxyaabihii uga qabsoomay qorshayaasha horutabinta u leh Xukuumadda DanQaran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasaaradaha qaybta ka ah tiirka “Soomaali heshiis ah” inay dardar-galiyaan qorshayaasha Xukuumadda, isla markaana bulshada u soo bandhigaan waxqabad muuqda oo lagu qanco, saldhigna u ah halbeegyada mudnaanta u leh xukuumadda DanQaran ee Tiirka Soomaali Heshiis ah, sida dhamaystirka dib u eegista Dastuurka, dimoqraadiyaynta iyo dardargalinta dowlad wanaagga iyo hiigsiga xukuumadda ee hirgalinta dowladnimo u dhaw shacabka.