Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobleb ayaa Maanta oo khamiis ah warbixin faahfaahsan ka dhageystay Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka.
Rooble ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan oo Guddiga ay ka qabteen xal u helista tabashooyinka maangalka ah ee laga soo gudbiyey xubnaha Guddiyada doorashooyinka dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey ballan-qaadkii Xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka doorasho daah-furan oo deg deg ah, laguna kalsoonaan karo, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo danta guud, lagana fogaado dhaliilaha aan wax dhisayn, si loo sii amba-qaado qabsoomidda doorashada.
Guddoomiyaha Guddiga Xaqiijinta Guddiyada Doorashooyinka ahna Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa kulanka kaddib soo bandhigay tallaabooyinka loo qaaday qabsoomidda doorashada.
Guddoomiye Cabdullaahi Abuukar ayaa ku ammaanay Dowlad-goboleedyada soo gudbiyey xubnaha lagu beddelay xubnihii hore, kana codsaday ciddii ay ku dhiman yihiin xubnaha haray in ay degdeg u soo magacaabaan.