WARARKA SOOMAALI

RW Rooble oo War kulul kasoo saaray Qaraxii khasaaraha badan dhaliyey

By xuseen waashitoon

February 19, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u Cambaareeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

“Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisadu maanta ka geysteen Beledweyne oo ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad aan waxba galabsan.Waxaan u tacsiyeynayaa ehelada dadkii dhibtu gaartay. Allaha u naxariisto intii dhimatay, dhaawacyadana Eebbe ha bogsiiyo ayuu yiri RW Rooble oo ka hadlay qaraxa.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay qaraxa oo ay ku jiraan Mas’uuliyiin ka tirsanaa Hirshabeelle, Musharaxiin Xildhibaano iyo dad kale, halka 30 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalada ku yaalla Magaalada Baladweyne.

Qaraxaan ka dhacay Baladweyne ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab, wuxuuna qaraxa dhacay uu kusoo aaday, iyada Magaalada todobaadyadii dambe ay kusii qulqulayeen siyaasiyiin, Musharaxiin Xildhibaano iyo xubno kale.