Site icon HORUFADHI MEDIA |

RW Rooble oo War kasoo saaray geerida Taliyihii Ururka 6-aad ee Gor-gor

Allaha u naxariistee Maxamed Cabdiwaaxid Faarax oo ahaa Taliyihii Ururka 6aad ee Kumaandooska Gor-gor ee Xoogga dalka ayaa gelinkii dambe ee shalay ku geeriyooday dagaal xoogan oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkaas oo sigaar ah uga dhacay deegaanka War-ciise ee hoostega degmada Raaga-ceelle una dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab oo geystay khasaaro aad u farabadan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in dagaalkii ka dhacay Shabeellaha Dhexe loo dilay Al-shabaab in ka badan 70 maleeshiyo, isla markaana xubno kale oo intaas ka badan la dhaawacay, hubna laga qabsaday.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi udiray ehelkii uu ka baxay Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab oo ahaa Taliyahii Ururka 6aad ee Kumaandooska Gor-Gor.

“Allaha u naxariisto walaalkeen Gaashaanle Maxamed Cabdiwaaxid oo geeriyooday isagoo dalkiisa iyo dadkiisa ka difaacaya cadow horor ah, Qoyskiisa iyo Qarankaba samir iyo iimaan Allaha ka siiyo, isagana jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha XFS.

Allaha u naxariistee Gaashaanle Maxamed Cabdiwaaxid Faarax ayaa tababaro kala duwan kusoo qaatay dalalka Turkiga iyo Suudaan, isagoona horaantii sanadkii 2018 noqday Taliyaha ciidanka Ilaalada dharcadka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, lana soo shaqeeyay Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga.

Exit mobile version