WARARKA SOOMAALI

RW Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Odayaasha dhaqanka ee Gobolada Waqooyi

By xuseen waashitoon

December 11, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee Gobollada Waqooyi ee laf dhabarka u ah soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaannada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay odayaasha dhaqanka in ay si hufan oo isu dheellitiran u soo xulaan ergooyinka dooranaya xildhibaannada.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska  Rooble ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland, isagoona sheegay Ra’iisul Wasaaraha in muhiim tahay dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka…

Kulankaan uu Ra’iisul Wasaaraha la qaatay Odayaasha dhaqanka Somaliland ayaa waxaa ka horreeyay kulan oo Maanta la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahadi Maxamed Guuleed Khadar iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in xal buux laga gaaray madmadowgii ka dhex jiray labada dhinac, waxaana isku afgartay in horay loo sii wado doorashada.