WARARKA SOOMAALI

RW Rooble oo Guddiga Doorashada Galmudug kala hadlay fulinta ballan qaadkii ay hore u…

By xuseen waashitoon

November 16, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa la wadaagay muhiimadda ay leedahay in guddigu ay si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta Xildhibaannimo ee yaalla Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey ballan qaadkii Xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka doorasho oo daah-furan, laguna kalsoonaan karo, lana xaqiijinayo qoondada haweenka, waxaana uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo danta guud, diiradana la saaro qabsoomidda doorashada.

Eng. Rooble ayaa xusay masuuliyadda hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka uu mudnaan siinayo, isagoo kula dardaarmay xubnaha guddiyada Doorashada in ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble waxaa kulankan ku weheliyey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Guddoonka Guddiyada Heer Federaal ee Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka, masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Maamulka heer-dowlad Goboleed ee Galmudug.