WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan GEDO iyo ujeedka

By Xuseen Post

July 10, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Maanta kusii jeeda Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Warar la helayo ayaa sheegaya in ujeedka Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid la xiriira dadaajinta arrimaha doorashada iyo xalinta khilaafka Gobolka Gedo, waxaana la filayaa in Guddigii heerka Wasiir ee dib u heshiisiinta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, iyagoona saacadaha soo socda ee Maanta tegaya Garbahaarey .

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Ammaanka guud ee Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga degmada iska kaashanaya Ciidanka dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan iyo kuwa ilaalada Ra’iisul Wasaare Rooble.