WARARKA SOOMAALI

RW ku-xigeenka oo Maanta gaaray Baydhabo & xaalada adag ee taagan

By xuseen waashitoon

November 14, 2023

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa gaaray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamax iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ay qeyb ka ahaayeen xubnaha hay’addaha Gargaarka.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Saalax oo Wafdigiisa qayb ay ka ahaayen.

Madaxweyne Laftagareen ayaa la wadaagay  Mas’uuliyiintaan dhibaatooyinka ka dhashay Fatahaadaha ka dhacay degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Dadaalada socda ee ugurmashada Dadka Saameynta ku yeeshay daadadka El-Niño.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegey in socdaalkooda ay tahay sidii Gargaar loo gaarsiin lahaa dadka Fatahaadaha saameyeen ee ku nool guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed, waxaana xusid mudan in maalmo ka hor hay’adda SoDMA diyaarad wada shixnad gargaar ah ay u dirtay Baydhabo.

Socdaalka ayaa waxaa Saalax Axmed Jaamac ku wehlinaayay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle iyo Madaxda Hay’addaha ka shaqeeya Arimaha Gargaarka