WARARKA SOOMAALI

Ruushka oo laga qabsaday Gantaalka Pantsir S1 iyo Ukraine oo War soo saartay

By xuseen waashitoon

March 08, 2022

Ciidanka Qaranka ee dalka Ukraine ayaa waxaa ay soo bandhigeen Gaari Tekniko nooca casriga ee Nidaamka difaaca hawada ee Pantsir-S1 System.

Milliteriga Ukraine ayaa waxay sheegeen inay tahay markii saddexaad ee ay gacanta ku dhigaan Nidaamka Lidka diyaaradaha ee Pantsir-S1.

Qoraal uu Madaxa Maamulka Milliteriga ee Gobalka Mykolaiv ee dalka Ukraine, Vitalii Kim soo  dhigay Barta Telegram ayuu ku sheegay muddadii uu socday duullaanka Ruushka inay qabsadeen 3 Gantaallada Nidaamka Difaaca ee Pantsir-S1 System., wuxuuna xusay inay burburiyeen doonaan gaarigaasi.

Sida  laga soo xigtay Xarunta Isgaarsiinta iyo Ammaanka Warboxinada see (The  Center for Strategic Communications and Information Security) waxaa Nidaamka difaaca hawada ee Pantsir-S1 lagu iibiyeen lacag dhan ilaa million oo Dollar.