WARARKA SOOMAALI

Ruushka oo baacsaday Markab Gujis uu Mareykanka leeyahay, xili ay jirto xiisada Ukraine

By xuseen waashitoon

February 13, 2022

Markab Dagaal oo ay Ciidanka Badda dalka Ruushka leeyihiin ayaa la sheegay inuu baacsaday Markab Gujis ah oo ay Mareykanka leeyihiin, kaasi ku soo dhawaaday Jesiiradaha Kuril Islands ee Xuduud-baddeedka Ruushka ee kaabiga ku haya Badweynta Pacific Ocean.

Markab nooca wax burburiya ee Raashiya, laguna magacaabo The Marshal Shaposhnikov destroyer ayaa la sheegay inuu arkay Markabka Gujiska ee Mareykanka oo lagu magacaabo The US Navy Virginia class submarine, xilli uu ku soo dhawaaday Xuduud-baddeedka u dhow Jazaa’irka Kuril Islands, sida lagu sheegay War ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Ruushka.

Bayaanka ayaa lagu xusay inuu Gujiska Mareykanka uu si xawaare leh uga gurtay Xuduudka Biyaha ee uu soo galay, kadib, markii la baacsaday, waa sida  hadalka loo dhigay.

Dhinaca kale,  Wasaaradda Difaaca Ruushka waxay sheegtay inay u yeereen U-Qeybsanaha Difaaca ee Safaaradda Maraykanka ee magaalladdaMoscow (The defence attache at the US embassy in Moscow ).

Shilkaasi ayaa yimid, iyadoo ay Dowladaha Maraykanka iyo Ruushka ka dhex aloosan tahay Xiisadda ku aadan dalka Ukraine ee ay Xuduudka wadaagaan Ruushka.