WARARKA SOOMAALI

Ruushka iyo Ukraine oo is-faham hordhac ah ka gaaray Badbaadinta Dadka Rayidka

By xuseen waashitoon

March 04, 2022

Dowladdaha Ruushka iyo Ukraine ayaa isku raacay Qodobka Badbaadinta Rayidka iyo marinada Samafalka Aadminimo.

Ergooynka Ruushka iyo Ukraine ee wareega labaad ee wada-xaajoodkauga furmay dalka Belarus, ayaa waxaa ay ku heshiiyeen in la sameeyo Marino Nabdion oo dadka Rayidka looga daad-gureyn karo deegaanada ay Colaadaha ka socdaan ee gudaha dalka Ukraine.

La-Taliyaha Madaxtooyada Ukraine, Mikhail Podolyak oo hoggaaminayo wafdiga dalkiisa uga qeyb galayo wada-xaajoodka ayaa sheegay inay labada dhinac gaareen Isfaham ku aadan in si Wadajir ah loo sameeyo waddooyin Ammaan oo dhinaca Samafalka Aadminimo iyo in la gaaro Heshiis Xabbad-joojin oo KMG  ah.

Dhinaca kale,  Madaxa wafdiga Ruushka ee Shirka Nabadda, Vladimir Medinsky ayaa waxa uu xaqiijiyey inay labada dhinac horumar ka gaareen qoddobka ugu muhiimsan ee Badbaadinta dadka Rayidka.

Wareega Labaad ee wada-xaajoodka Ruushka iyo Ukraine isla xalay ayaa la soo gebagebeeyey.