Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku saabsan arrimaha doorashada kuraasta Gobollada Woqooyi xafiiskiisa kula yeeshay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.
Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay khilaaf ka dhex taagan Guddiga doorashooyinka Xildhibaanada Somaliland oo laba garab u kala jabay oo ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.
War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka uu ahaa Wadatashi iyo gorfeyn, isla markaana la isla gartay in Guddoomiye Cabdi Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku muddo kooban xal uga soo gaaraan kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa taagnaa khilaaf dhanka doorashooyinka ah oo u dhaxeeyay Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo ay kala hoggaaminayaan faray Guddoomiyaha Aqalka Sare & Mahdi Guuleed.