WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la yeeshay qaar kamid ah Culimada Somaliyeed

By xuseen waashitoon

August 23, 2022

Ra’iisul Wasaaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa Culimada Soomaaliyeed kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin gurmadka abaaraha, amniga iyo dowladda wanaaga.

Ra’iisulwasaaraha ayaa talooyin dhaxal gal ah ka dhagaystay culimaa’udiinka, wuxuuna tilmaamay in kaalinta muhiimka ah ee ay culimadu ku leeyihiin nabadda, wacyigelinta bulshada iyo la dagaallanka argagixisada, isagoo tusaale usoo qaatay howlagalka ay ciidamada iyo shacabka iska kaashanayaan ee ka socda Hiiraan.

“Hiiraan waa lala diriray argagixisada, waa layska dhiciyay, waxayna gubeen ceelashii , taas oo sababtay inay dadkii halkaasi ku dhaqnaa ay qaxaan, isla markaana ay habboon tahay inay booqdaan oo u kuur galaan xaaladda halkaasi ka jirta” ayuu yiri Ra’iisulwasaare Barre.

Mudane. Barre ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ay waxyeellleeyeen argagixisadu, wuxuuna intaa ku daray in culimaa’udiinku ay saldhig u yihiin baraarujinta bulshada si gacan looga helo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dal iyo dibedba.