WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan looga hadlay Deyn Cafinta

By xuseen waashitoon

May 19, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka, kaas oo looga hadlay qodobada mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha dalka iyo barnaamijka dayn cafinta.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray kobcinta cilmi baarista dhaqaalaha, kobcinta heerka nolosha shacabka Soomaaliyeed, iyo wada shaqeynta hey’adaha kala duwan ee dowladda iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka, si loogu diyaar garoobo koboc dhaqaale waara marxaladda ka dambeysa deyn-cafinta iyo ka xoreynta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Golaha dadaalkii ay ku bixiyeen diyaarinta wejiga 1-aad ee Hiigsiga Qarni-jirka ee 2060-ka, isagoo faray inay dardargeliyaan qorshaha dhaqaalaha dalka kadib Deyn-cafinta iyo sidii dalku u yeelan lahaa kaaboyaal dhaqaale oo xooggan.