Photographer: Abdishukri Haybe

WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Dalab hordhigay shacabka Soomaaliyeed, kadib markii…

By xuseen waashitoon

January 26, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre ayaa galabta soo xiray Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo muddo afar maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku ammaanay culimada Soomaaliyeed natiijada ay ka gaareen shirweynaha iyo sida ay u fasireen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isaga oo intaa raaciyay in ay la hadleen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Xamse ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay dhegaha furaan oo ay qaataan waxa ay u sheegeen culimada Soomaaliyeed ee ku xusan bayaanka ay shirka ka soo saareen, isagoo intaa ku daray in Xukuumadda DanQaran ay diyaar u tahay inay fuliso qodobada dowladda loo soo jeediyay.

Shirweynaha oo isku keenay dhammaan Culimada Soomaaliyeed dal iyo dibed ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay xiriirka ka dhexeeya dowladnimada iyo diinta.

Waajibaadka dowladda Soomaaliyeed ka saaran dhawrista diinta iyo dhaqanka, horumarinta nidaamka caddaaladda dalka iyo aragti culimada Soomaaliyeed ee ku wajahan kooxaha dhibaatada ku haya shacabka.