WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Amar Deg-deg ah soo saaray, kadib Qaraxyadii Baladweyne

By xuseen waashitoon

October 03, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii qaraxyaxa ahaa ee ka dhacay magaalada Beledweyne  ee xarunta gobolka Hiiraan oo dad aan waxba galabsan lagu laayey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray in Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha kale ee dowladdu gurmad deg-deg ah u fidiyaan dhaawacyada ka dhashay qaraxa.

“Falkaan wuxuu caddeyn u yahay sida ay weli ugu ooman yihiin kooxaha nabadiidku daadinta dhiigga dadka Shacabka ah, waana mid ay rabaan in ay ku niyad jabiyaan dadka u istaagay dagaalkooda, dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee maalin walba ay daadinayaan ma’ahaan  mid looga hari doono” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Xamse ayaa bulshada Soomaaliyeed waxa uu mar kale ugu baaqay inay xoojiyaan dagaalka lagu ciribtiraayo kooxahan xagjirka ah ee banneystay nafta, maalka iyo sharafka ummadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada dadkii naftooda ku weeyey weerarkii maanta ka dhacay Beledweyne, waxuuna Allah uga baryey caafimaad deg-deg ah in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.