WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo Maanta kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska ee Somalia

By xuseen waashitoon

July 16, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa Maanta oo sabti ah waxaa uu xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee Kate Foster.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Xamse Barre iyo Safiir Kate Foster ayaa waxaa looga hadlat Arrimo ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xamse Barre.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa isla soo qaaday dardar-galinta barnaamijyadda horumarineed ee dowladda Britain ka tageerto Soomaaliya ee leh dhinacyada kala duwan sida gargaarka iyo amniga.

Dowladda Ingiriiska ayaa kamid ah dowladdaha taageera dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana UK ay tababaro siisaa Ciidabka dowladda, sidoo kalena mashaariic ka fulisa qaar kamid ah dowlad Goboleedyada dalka.