Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ra’iisul Wasaare Rooble oo taageray Go’aanka Farmaajo ee Shirka Garoowe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xil-saagrsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyey Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ee ku qabsoomaya 15-ka bishan magaalada Garoowe ee Dowlad-goboleedka Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal mug leh ku bixinayso fududeynta shirkan iyo sidii loo dardar gelin lahaa fulinta Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in doorka Xukuumadda ay qaadaneyso uu yahay isu-soo dhaweynta aragtiyaha kala duwan ee fulinta Heshiiska Doorashooyinka ee horey loo ansixiyey iyo sidii loogu midoobi lahaa marxaladdan muhiimka u ah geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.

Shirkaan uu mar kale ku baaqay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa waxaa uu kusoo beegamayaa, iyadoo uu fashilay Shir dhawaan Madaxda dowladda Federaalka, maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb.

Beesha Caalamka ayaa la rumeysan yahay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay cadaadis badan ku saartay qabashada shir looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan doorashada, xili uu dhammaaday muddo xileedkiisa.

Exit mobile version