Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ra’iisul Wasaare Rooble oo si lama filaan u magacaabay Wasiir cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka Wasaaradda  Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Rooble ayaa dhowaan soo saaray wareegto xilalka loogu kala bedelay Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed C/llaahi Oomaar iyo Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Duraan Axmed Faarax.

Wasiir Oomaar oo dhowaan dhow qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa shaaciyey inuu ka cudurdaaranayo qabashada xilka Wasiirka shaqada iyo Shaqaalaha ee loo magacaabay taasoo sababtay in Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif loo magacaabo xilkan.

Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ka soo jeeda degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa horey u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeen iyo Wasiirka ganacsiga.

Exit mobile version