Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi Sare oo Farsamo oo ka taageeraya Xafiiskiisa arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.
Guddigan ayaa howshiisa tahay isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hey’adaha ku shaqada leh, sida Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.
Guddigan oo ayaa xafiiska Rooble ka taageeraya isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hey’adaha ku shaqada leh, sida Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Guddigaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa Guddoomiye loo dhigay Cabdulqaadir Cimi Cali, waxaana Guddiga ku jira Cumar Maxamed Cabdulle oo mar soo noqday Guddoomiyhii Gudigii doorashada ee sanadkii 2016.