WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay Beesha Caalamka

By Xuseen Post

February 24, 2021

Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan gaar ah la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka, iyadoo kulanka looga hadlay arrimo kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka dhacaya oo aan weli heshiis laga gaarin.

War kasoo baxay Xafiiska Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in isaga iyo Beesha Caalamka ay is-dhaafsadeen aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda.

“Waxaan Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka. Waxaan is dhaafsannay aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda & dhowrista xasilloonida guud ee dalka” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay RW Rooble.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo kala duwan oo lagu xalinayo khilaafka ka taagan doorashada, waxaana Wakiilo ka socday Beesha Caalamka kulamo lasoo qaateen Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Labada maamul Goboleed oo Isbaheysi leh ayaa shuruudo ku xiray ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Ku-simaha xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka Farmaajo ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.