Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa kulan Albaabada u xiran yihiin uga socdaa Garoowe.
Kulanka ayaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaaaadeed ee dalka, Arrimaha doorashooyinka 2020/21, Guddiyada lagu muaran yahay iyo sidii Puntland u soo gudbin laheyd Liiska xubnaha ku metelaya Guddiyada doorashadooyinka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxaa uu kulan kale la yeelan doonaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Garoowe, qeybaha kala duwan ee Bulshada gaar ahaan Odayaasha iyo siyaasiyiinta, isagoo kala hadli doona Arrimaha doorashada dalka ee 2020/21.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa qorsheynaya inuu safar ku tego Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana ujeedkiisu yahay xalinta tabashooyinka Doorashada.
Muran xoogan ayaa xiligaan ka taagan Doorashada Soomaaliya gaar ahaan Guddiyada la magacaabay, waxaana Guddiyada siweyn uga soo horjeeda Musharaxiinta Madaxweynaha iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyagoona sheegay inay doonayaan in Isbedel lagu sameeyo Guddiyada.