Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalkaSoomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeell Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.
Kulankaan oo ahaa Mid gaar ah ayaa looga hadlay dardargalinta hannaanka doorashooyinka, sugidda amniga & horumarinta deegaannada Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Ra’iisul wasaaraha in uu taageero u fidiyo maamulka Hirshabeelle si loo xaliyo tabashooyinka ka taagan Magaalada Baladweyne.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ka dalbaday in uu sameeyo dib u heshiisiin ballaaran oo lagu qanciyo shacabka kunool Hiiraan oo maamulkiisa kasoo horjeeda.