WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Cumar Cabdirashiid

By xuseen waashitoon

December 05, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan la qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo maalmo kahor soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Kulanka dhexmaray Rooble iyo Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadda ee dalka iyo doorashada ka dhaceysa Soomaaliya, sida uu shaaciyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka oo Qoraal soo saaray.

Cumar Cabdirashiid ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in is faham laga gaaro muranka ka dhashay doorashada Golaha Shacabka ee dhawaan ka bilaabatay Muqdisho, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, xili kuraas la sheegay in lagu boobay doorashooyinkii dhacay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay soo dhaweynta iyo Casuumaada uu u sameeyay isaga iyo Wasiirkii hore ee Qorsheynta Cabdiraxmaan Ceynte.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,  Runtii aad iyo aad ayaanu uga mahad-naqaynaa wakhtiga iyo doodaha hufan ee aanu ka yeelanay xaaladda doorashadu. Mararka qaarkood isfaham waa lagu gaaraa shirarka aan caadiga ahayn” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.