WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulamo ka bilaabaya Garoowe iyo xog laga helay

By Xuseen Post

December 12, 2020

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kadib markii shalay halkaas uu gaaray.

Inta uu socdo kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin Doorashada dalka ka dhaceysa, muranka ka taagan Guddiyada Doorashada ee la magacaabay iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka Puntland ee dowladda Federaalka.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Shabakadda Horufadhimedia ayaa sheegaya in kulanka u dhexeeya Ra’iisul Wasaare iyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu yahay mid Albaabada u xiran yihiin, uuna yahay mid gaar ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxaa uu kulan kale la yeelan doonaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Garoowe, qeybaha kala duwan ee Bulshada gaar ahaan Odayaasha iyo siyaasiyiinta, isagoo kala hadli doona Arrimaha doorashada dalka ee 2020/21.

Muran xoogan ayaa xiligaan ka taagan Doorashada Soomaaliya gaar ahaan Guddiyada la magacaabay, waxaana Guddiyada siweyn uga soo horjeeda Musharaxiinta Madaxweynaha iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyagoona sheegay inay doonayaan in Isbedel lagu sameeyo Guddiyada.