WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan Magaalada Garoowe iyo xogta safarkiisa

By xuseen waashitoon

November 19, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu wadaa inuu socdaal ku tego Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la filayaa maalinta berri oo sabti uu tego Magaalada Garoowe, isagoona kulamo kala duwan la qaadan doono Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu labada Madaxweyne ee Deni iyo Axmed Madoobe ka dalbaday in aysan kala tegin inta uu uga imaanayo si ay shir wadajir ah u yeeshaan.

Rooble iyo Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa ka wada hadli doona Arrimaha doorashooyinka gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka oo la filayo in dhawaan deegaanada dowlad Goboleedyada dalka ay ka bilaabato.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale labada Madaxweyne kala hadli doona Arrimo ku aadan amniga deegaanadooda iyo xaaladdaha Bani’aadanimo ee u baahan in wax laga qabto.