WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dib ugu soo laabtay Muqdisho, safarkii uu…

By Xuseen Post

July 11, 2021

Ra’iisul Wasaara Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho dib igu soo laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Jubaland ayaa diiradda saarayay arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, xoojinta amniga iyo fulinta mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha oo markii horey safarka ku tegay Kismaayo ayaa kulamo kala duwan lasoo qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Mas’uuliyiinta kale ee Maamulka ugu sarreeysa, isagoo kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta Gedo.

Rooble ayaa Carabka ku dhuftay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu kula xisaabtami doono doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka ee ka dhacaya Magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey, isla markaana isagana uu ku kormeerayo hirgelinta doorashada.

Shalay xilli uu Warbaahinta kula hadlayay Ra’iisul Wasaaraha Magaalada Kismaayo waxaa uu sheegay in uu dhawaan dhamaan tegi doono degaannada dowlad Goboleedyada ee lagu qabanayo doorashooyinka.