WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib safarkii Abu Dhabi

By xuseen waashitoon

February 03, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, kadib safar qaatay afar maalmood oo uu ku tegay Magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Rooble ayaa intii uu joogay Imaaraadka Carabta kulammo la yeeshay madaxda ugu sarreysa dalkaas oo ugu horreeyo Dhaxal-sugaha Abu Dhabi ahna ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Zaayid Ala Nahyaan.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheekh Zaayid ayaa waxaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sidoo kalena wuxuu la kulmay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo hay’adaha samafalka ee dalkaas oo uu kala hadlay sidii gargaar deg deg ah loola soo gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.