Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Deg deg ku amray in la furo Isgoyska DABKA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa amar deg deg ah siiyay Hay’addaha amniga dowladda, kadib markii xalay dhagxaan waaweyn lagu xiray Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa Hay’addaha amniga dowladda faray inay si deg deg ah u furaan Isgoyska Dabka oo lagu jaray dhagxaan, iyadoona Maanta shacabka ah ay dareemeen culeys isku socodka wadaddaas.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay dul-qaadka ay muujiyeen, isla markaana waxaa uu shacabka ka codsaday inay laamaha amniga dowladda kala shaqeeyaan sugidda nabadgelyada.

“Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.. Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda.

Sawirro laga soo qaaday Isgoyska Dabka ayaa muujiyay in meesha ay ka baxday gaadiidkii ka imaan jiray dhinaca Suuqa Bakaaraha ee tooska ugu gudbi jiray degmada Waaberi ama aadi jiray dhinaca Isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho.

Dhagxaanta la dhigay Dabka ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa, iyadoo shalay gaari NOHA oo xoog kusoo baray Bar Koontarool oo Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya halkaas ku leeyihiin uu isku qarxiyey Isgoyska Sayidka halka laga ilaaliyo Madaxtooyada.

Exit mobile version