WARARKA SOOMAALI

RW Xukuumadda oo Arrin culus ku dhawaaqay fariina u diray Shacabka

By Xuseen Post

February 10, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta uga warbixiyay Golaha Shacabka ee BFS waxyaabihii u qabsoomay 100-kii maalmood ee Xukuumaddu shaqeyneysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Golaha u faahfaahiyay arrimaha uga qabsoomay afarta tiir ee saldhigga u ah howlaha xukuumadda, kuwaas oo kala ah, Siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta Dhaqaalaha: Amniga iyo Cadaaladda iyo Horumarinta Arrimmaha Bulshada.

Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay dadaalkeeda isugu geynayso in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyin ku dhaca si xasilloon iyo hannaan la isla wada ogol yahay, si taasi u hirgashana ay laga maarmaan tahay in laga wada xaajoodo caqabadaha ku hor gudban hirgelinta heshiiskii doorashooyinka ee la gaaray 17kii Sebteembar 2020.

Bulshada Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay isku-duubni iyo in qof kasta oo muwaaddin ahi kaalintiisa ka qaato marxaladdan kala-guurka ah, xili dalku uu ku jiro xaalad Cakiran, wuuxuna caddeeyay in qofna aan laga aqbali doonin khal-khal gelinta amniga.

Warbixinta 100-ka maalmood ee Xukuumadda ee Rooble uu ka hor jeediyay Xildhibaanad Golaha Shacabka ayaa waxaa ay kusoo aaday, iyadoo uu dhammaaday muddo xileedka dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.